Kenya oo sheegtay meydadka raggii fuliyay weerarkii Westgate in ay qaateen Sirdoonka Mareykanka (VIDEO)

Dowladda Kenya, ayaa waxay markii ugu horeysay ay sheegtay in Sirdoonka Mareykanku uu qaatay meydadka raggii fuliyay weerarkii lagu wiiqay Rugtii ganacsiga ee Westgate.

Taliyaha Ciidanka Militariga ee Dowladda Kenya General Julius Karangi, ayaa waxa uu maanta sheegay in la dilay raggii fuliyay weerarkii Westgate, oo uu tiradoodu ku sheegay ilaa afar nin.

Taliyaha, ayaa carab dhabay in meydadka afartaasi nin ay qaateen Ciidanka Sirdoonka Mareykanka ee FBI, sida uu hadalka u dhigay.

General Julius Karangi oo Saxaafada kula hadlay Magaalada Nairobi, ayaa waxa uu meesha ka saaray in ay baxsadeen dagaal-yahanadii Ururka Al Shabaab, ee dhulka la simay Xaruntii Westgate.

Sarkaalkaan, ayaa sheegay in weerarkii Westgate uu bilowday maalinimo Sabti ah, subaxnimadii Isniintana ay Ciidanka Difaaca ee Kenya, soo gaba gabeeyeen hawlgalka, sida uu yidhi.

Dowladda Mareykanka, ayaa horey u sheegtay in ay baxsadeen Xoogagii weeraray Dhismihii Wesgtage, inkastoo markii dambe uu Sirdoonka Mareykanku ku waramay in la dilay raggaasi.

Warbaahinta Kenya, ayaa si xoog leh u tabisay in ay baxsadeen Xoogagii Shabaabka ka tirsanaa, ee xoogga ku galay Suuqii ganacsiga ee Westgate.

Salaanmedia/Mogdisho