“Kharashka Waddada Ceerigaabo,Waanu Soo Bandhigaynaa”Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaji Xasan.

(SM:Hargaysa) Qalabkii lagu dhisayay wadada u dhaxaysa magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco ayaa shalay soo gaadhay dalka, waxaana lagu soo dhaweeyay magaalada kalabaydh ee gobolka Gabbiley.

Qalabkan ayaa ka soo degay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ,waxaana la soo mariyay dhinaca dhulka, waxaana halkaa kaga hor tagay Wasiirka madaxtooyada, xildhibaanno, salaadiinta gobalka Gabiley, maamulka heer gobal iyo heer degmo iyo gudidii dhismaha wada Ceerigaabo.

 

 

Qalabkan oo iskugu jira noocyo kala duwan oo aad u fara badan oo ay kamid yihiin cagafyo iyo booyado ayaa waxaa halkaasi kula wareegay masuuliyaddooda gudida dhismaha jidka isku xidhi doona magaalooyinka Burco iyo Ceerigaabo.

 

 

Wasiirka madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa hadal ka jeediyay munaasibadii qalabkaasi lagula kala wareegayay waxaana hadalkiisi ka mid ahaa “Aad baan ugu faraxsanahay ILLAAHAYNA waan ku mahadinayaa in uu inoo suuro geliyay in qalabkii inoo yimi horaantiisii.

 

 

Qalabka dhawr iyo toban shay ayaa hadda inoo yimi wixii kalena way soo socdaan. Sidoo kale waa intii loogu talo galay wajiga koobaad ee waddada, oo ahayd qalabkii Cagafyada iyo hadday yihiin booyadihii iyo hadday yihiin isko rogooyinkii iyo kuwii wadada garaacayay intiiba way marayaan.”

 

 

 

“Labadaa Cagaf ee soo socda iyo koonytiinerka ay ku jiraan qalabka dayactirka tii loogu talo galay in ay isku qaysto jayga iyo daamurka ee diyaarinaysa, maaha tii waynayd ee waa laba yaryar oo loogu talo galay in ay wadada dayac tiraan oo ay diyaariyaan markiiba in ay saddex tan soo saarto, looguna talo galay in ay godadka buuxiyaan, oo aanu doonayno in aanu qaarna halkaa u dirno qaarna halkan, oo aanu ku ilaalino hadhaw marka waddooyinka la dhamaystiro,” ayuu yidhi wasiirka madaxtooyada Somaliland mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan.

 

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu sheegay in ay soo bandhigi doonaan kharashkii loogu talo galay dhismaha jidka Ceerigaabo, waxaanu yidhi “Waxaa intaa dheer, kharashkii loogu talo galay waddada waxaanu soo bandhigi doonaa ninkii ka warwarsan iyo ninkii been sheegayba, waxaanu soo bandhigi doonaa habeenka Sabtida ee ay Axadu soo galayso. Qof kasta oo muwaadin ah oo shilin bixiyay halkaas ayaanu ku soo bandhigi doonaa, aad iyo aad ayaanu uga mahad celinaynaa muwaadiniintii bixisay kharashka, waxaanu soo bandhigi doonaa wixii ay bixiyee shilinna lagama isticmaalin, waxa kale oo aanu soo bandhigi doonaa cid kasta oo wax balan qaaday, waxaanu mawaadiniinta sharafta leh ka codsanaynaa ciddii wax balan qaaday in ay bixiyaan, waakan qalabkii dawladda ayaana dirtay.”

 

 

Wasiirka madaxtooyada Somaliland mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa kale oo uu intaa ku daray “Haddii ay madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadu balan qaaday dhismaha jidka Ceerigaabo oo uu dhagaxdhigay been maanu sheegin ee waa kan qalabkii. Haddii aanu nidhi lacag ayaanu bixiinaynaa miisaaniyaddayada ka eega, ninkii been sheegaya raadkiisa ayaa la waayaa, haddii aanu nidhi waanu bilaabaynaa labada todobaad ee soo socda ayaanu bilaabaynaa ee yaanay kaa maqnaan.”

 

 

“Dhamaystirkeeda ILLAAHAY ayaa iska leh, sidii aanu ugu ballan qaadnay ayaanu ugu soconaa, marnabana joojin mayno, ka daali mayno in aanu dalkayaga horumarino, ka daali mayno tacabka aanu waddooyinka ugu jirno, waxna noo dhimi mayso ee iga ayaa wax isu dhimaya inta wax ka sheegta. Waanu ku farxi doonaa qof kasta oo muwaadin ah oo dalkiisa wanaaga la jecel, qof kasta oo qalbigiisa uu ku jiro xanuun oo aan dalka la jeclayn horumarna wuu ka naxayaa, waxaanan leeyahay kuwaa ILLAAHAY ha caafiyo,”ayuu yidhi Wasiirku.

Salaanmedia/Hargaysa