“Khilaafka Golaha Wakiilada Dhex-Dhexaad Ayaan Ka Ahay” Xildhibaan Khadar Ambassadoor

(SM:Hargaysa) Xildhibaan Khadar Ambassadoor oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa ka hadlay ka uu taageersan yahay garabyada khilaafku ka dhaxeeyo ee ay kala hoggaaminayaan Guddoomiye Cirro iyo labadiisa ku-xigeen.

Khadar Ambassador  oo shalay Warbaahintu wax ka waydiisay sida uu arko Khilaafka u dhaxeeya Shir-guddoonka Golaha Wakiilada, waxa uu ugu baaqay shir-guddoonka Golaha iyo xildhibaanada inay joojiyaan khilaafka oo ay nasiib-daro tahay in xilli waqtigoodii dhamaaday xumaan ku kala tagaan, waxaanu yidhi

 

“Anigu waxaan arrinkaas ka ahay dhex-dhexaad, labada dhinac midna lama socdo. Waxaanay taladaydu tahay in Golaha loo daayo sidiisii hore oo aan buuqa iyo qaylo la gelin.”

“Goluhu muddo dheer ayuu soo wada shaqaynayay, mana aha markii xilkoodii dhamaaday inay sidan u kala fogaadaan.” Xildhibaanku waxa uu hadalkiisa sii raaciyay.“Cid kasta oo saamayn iyo talo ku leh golaha wakiilada waxaan u soo jeedinayaa in khilaafka la xaliyo oo golaha loo daayo sidii uu hore u ahaan jiray: Wakiilada Ee Khilaafka Xoogan Hadheeyay Golahoodii.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho:Ogaal