Komishanka Dorashooyinka Somaliland Iyo Saddexda Xisbi Ayaa Maanta Ka Wada Hadlay Qabsoomida Diiwaangalinta

9017

Feb 04,2014 Hargeysa(SM)-Komishanka Dorashooyinka Qaranka ee Somaliland iyo saddexda Xisbi qaran ayaa maanta kulan albaabadu u jidan yihiin ka yeeshay QabsoomidaDiwaangalinta Codbixinta, kulankaasi oo ka dhacay xarunta komishanka ee magaalada hargeysa.

Kadib markii uu dhammaaday kulankii albaabadu u xidhnayeen ayaa waxa warbahainta la hadlay Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Guddomiyaha Xisbiga Ucid Faysal cali waraabe, iyo cabdirashiid riyo raac oo ka socday xisbiga Waddani.

“Wax kulankan laga wadahadlayey side ayey doorasho inoogu qabsoonta wakhtigeeda, kulankan waxa ka soo qaybgalay saddexda xisbi qaran, iyo deeqbixiyaasha, iyo Komishanka Doorashooyinka, shirkuna maanta ayuu si rasmi ah u bilaamay illaa caawana wuu soconayaa, marka shirku markuu soo gabogaboobo ayaan ka hadli doona natiijada.”Ayuu yidhi Gudoomiyha xisbiga kulmiye muuse biixi

Faysal cali Waraabe Guddomiyaha Ucid oo isna shirkaasi ka hadlay waxa uu yidhi.“Runtii wadahadaladii laga wadahadlayey Diwaangalinta Doorashada iyo sidii ay doorasho inagu qabsoomi lahayd way socdaan, deeq bixiyaashina way nala joogan,waxanu filaynaa in wax wanagsan ka soo baxo oo doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo uu ka soo baxo Barri.”Ayuu yidhi.

Cabdirashiid Riyo raac oo ka socday Xisbiga Waddani oo isagana warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaasi shangeesoodka ahi uu ahaa in diwaangalinta codbixiyaashu la qabto, doorashada wakhtigeeda lagu qabto, kulanku wuu sii soconayaa.”Ayuu yidhi.

Salaanmedia/ Hargeysa