Kulmiye Ma Xisbi Qaranbaa Mise Waa Iskaashiga Bariga Burco Iyo Galbeedka Iyo Waqooyiga Hargeysa

Salaan ugu qaalisan ta la isu diro oo ku wajahan hawlwadeenada shabakadan iyo dhamaan reer Somaliland.
kulmiye_257_250
In mudo ah ayaan warbaahinta kala duwan ka akhrisanayey gudiga loo saaray xalinta khilaafka Kulmiye, khilaafkaas oo in badan la hadal hayey wuxuu soo jireen ahaa laga bilaabo shirweynihii Kulmiye ee daaqada lagala baxay Dr. Xuseen Axmed Ciise oo xilka xoghayaha arrimaha debeda u hayey xisbiga Kulmiye balse mar uu damcay in uu musharax madaxweyne ee Kulmiye hunguri ka galay ayaa xisbigaba debeda looga saaray Dr’ku wuxuu ka soo jeeday beelaha galbeedka iyo waqooyiga hargeysa ninka ku guulaystay xilka musharaxa madaxweyne waa Axmed Siilaanyo oo ka soo jeeda bariga Burco.
Ka dib guushii Axmed Siilaanyo waxaa isla markiiba hogaanka xisbiga lagu wareejiyey Muuse Biixi Cabdi oo isna ka soo jeeda beelaha dega galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa, isla madashaas ayaa isna loo magacaabay gudoomiye ku xigeenka koowaad Cabdiaxmaan Cabdilqadir oo isagu ka soo jeeda galbeedka Burco, laakinse Cabdiraxmaan Cabdilqadir xilkaas muu noqon mid uu ku nagaado oo si fool xun inta xilka looga qaaday ayuu isla markiiba xilkaas ku soo ruqaansaday Maxamed Kahin oo ka soo jeeda bariga Burco sidaasna ay dhamaan xilalka sare ee xisbigaas ku hantiyeen siyaasiyiinta ka soo jeeda labadan xaafadood oo aanay cid kale ku wehelin.
U kaalay khilaafka u dhexeeya Muuse Biixi iyo Samaale oo isla galbeedka iyo waqooyiga Hargeysa ka soo wada jeeda, odayga weyn ee Saleebaan Gaal ayaa si weyn uga dhex muuqday dadaalo lagu rabay in labadan siyaasi midkood uga tanaasuli lahaa xilka uu rabo la soco oo Saleebaan Gaal isna waa bariga Burco waana gurdoomiyaha golaha guurtida marka ay rabshadi dhex taalo xisbigan beelaysan ee Kulmiye kamana tirsana
Habada akhriste miyaanay halkaas laga dareemayn in xisbiga Kulmiye uu labo reer oo qudha u xidhanyahay cid kale ama beel kalena aanuu boos uga banaanyn.
Allah Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh
Guleed Buraan
London