Kulmiye xisbi nin leeyey uun buu u dhurtey sidii golihii kacaanka by Abdi Mustafe

kulmiye_257_250
Marka distoorkii iyo qawaaniintii xisbiga iyo dalka ba lagu tuntey ee la yidhi yaan Kulmiye dhex diisa laga tartamin miyaanay cadayn in Xisbiga kulmiye cid gaari leedey oo sidey doonaan ay uugu takri falayaan…. Rag waa weyn baa ku qud badeeyey khilaafkii waa la soo af jarey oo hogaamada xisbigu sidoodii bay ahaanayaa….Subxaan…..
Xisbigii Kulmiye golihii sare ee kacaanka sidiisii buu u dhaqmayaa oo golaha dhexe ee kulmiye oo 800 oo xubnood ah waxba lagama weydiin ee madaxtooyada qaraar ka soo baxay uun ku socda la leeyey….Gudida diiwaan gelinta ayey ahayd in ay wax ka qabato laakiin ma suurto geleyso oo horaa nin Marwadu eedo u tahay sifo sharci dara ah loogu kordhiyey laba sanadood oo aannu waxba qabaneyn ee uu mushahar iyo gaadhi iyo Budget uun uu qaadanayey…. Talaabadii Silaanyo qaadaaba waxa dadka xasuusisaa keligii taliyihii Mohamed Siyaad Bare. La se yaabi maayo Silaanyo oo talaabadii macalin kiisii uun buu garanayaa. Hadaba wax xal ah oo khilaafkii Kulmiye soo afjarey ma jiro ee bal aynnu eegno arin kan huursani goortuu qarxo waayo marka shirka la isugu yimaado xubnuhu waxay awood u leeyiin in ay diidaan qaraar kan la sii gaadhey dabeed na halkaa ayaa burburka kulmiye ka bilaabmi doonaa.