Kuwa Mudo kordhis doonayaa waxay leeyiin Ilaahow Siilaanyo wax sii isagaa anagana na siin e by Abdi Mustafe.

MAQAAL
Koox gaara ayaa Madaweynaha ku qasbaysa in uu mudo kordhis dalbado iyagoo ku baryootamaya ilaahow Silaanyo wax sii isagaa anagana na siin e.
Kooxdaasi danta Silaanyo ma wadaan ee iyagaa daneysanaya isna inay istic maalaan bay doonayaan. Hadaba waxa kala war la’ kooxdaa fara ku tiriska ah iyo Shicibka reer Somaliland oo le isma oga Smith iyo nin kii eyrro foofsadey e.Marnaba Ahmed Silaanyo isagu dooni maayo in uu karaamada iska qaado oo mudo kordhis loo sameeyo ee waxa dabada ka riixaya oo marka horeba siyaasada ku kalifey marwadiisa iyo koox yar oo beeshiisa ah. Silaanyo waa lawada ogyey in aanay agendaha uugu jirin in uu mar labaad doorasho isu soo taago ama uu hadalkii uu dadweynaha u sheegey 2013 uu beeniyo ama buriyo ee ahaa saacad la iigu dari maayo marka xilkaygu dhamaado. Runtii Silaanyo waa nin weyn oo garan kara fool xumada ka dhalan karta mudo kordhis uu dalbado horena isagaaba uuga soo hor jeedi jirey markuu mucaaradka ahaa ee dhibaatadu waxa weeye dad isaga ku xeeran oo aamin san in risiqoodu dhamaanayo hadaan Silaanyo kursiga ku sii fadhiyin oo le ilaahow Silaanyo wax sii isagaa anagana na siin e ayaa ku duduucaya in uu fool xumo faraha la galo oo uu qasab mudada ku kordhisto iyo musuqmaasuq.
Taasina maanta wax dhici kara maaha oo xukuumadan shicibku sidii tii Riyaale ayey ka daaleen oo inay nasiib kooda mar labaad eegaan bay doonayaan ileyn dowladani waxba dadka iyo dalka toona uumay faaiideyn aan boob iyo dhac iyo dil ahayn e.
Madaxweyna Silaanyo wuxuu shicibku leeyey yaan lagaa dhigin nin aan dalka samahiisa wadin. Waayo maanta maaha maal mihii Daahir Riyaale oo kale oo dadka wax badan baa u kordhey oo sinaba u suurto geli meyso in uu dalka mudo kordhis ku xukumo. Waana halkii Somaliland ku bur-buri lahayd oo dhalinyarada iyo shicib ka dhamaantood waxay diyaar u yihiin in aan dalka mudo kordhis lagu xukumin oo hubaal ah. Silaanyo dadka iyo distoorkuba tartan uun bay u ogolyiin. Mudo kordhis macnaheedu waxa weeye inqilaab baan dalka ku xukumayaa taana haduu isagu Riyaale ka yeelay maanta isaga laga yeeli maayo. Wax la waayey geelow ninkii waalan baw duda ayaa maanta taagan. Mudo kordhis yaannu kalifin in Hargiesa lagu kala guuro oo aad bay shicibka uugu sahlantey in ay maalin ku kala tuuraan wixii la soo dhab dhabay oo dhan.
Ma maqasheen Laa yaa garaad,,, mudo kordhiska,,, Laa yaa silaanyo.