La-taliyaha Madaxweynaha Ee Dhaqaalaha Iyo Ganacsiga Axmed Carwo Oo Tacsi U Diraaya Qoyskii Marxuumad Xaawa-luul Sh Maxamed JIrde

La-taliyaha Madaxweynaha Ee Dhaqaalaha Iyo Ganacsiga Axmed Carwo Oo Tacsi U Diraaya Qoyskii Marxuumad Xaawa-luul Sh Maxamed JIrde

carwoWaxaan tacsi u dirayaa ehelka, ubadka, tafiirta kale, gacalka, qaraabada, xigaalka, xito iyo asxaabta marxuumad Xaawa-luul Sh Maxamed Jirde ka baxday oo ay hormood u
tahay Marwada Kowaad ee JDS, Aamina Weris Sh. Maxamed Jirde.

Marxuumad Xaawa-luul waxay ku geeriyooday London maanta 23/02/2014
Waxaan Ilaahay uga baryaya marxuumadda inuu ku abaal mariyo dambi dhaaf iyo inuu ka dhigo kuwa dhaxla janatul-fardaws, ehel iyo asxaabna inaga yeelo kuwa laasima samir iyo duco. .

Inaa lilaa wa inaa illeyhi raajacuun.

Axmed Xasan Carwo

La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalaha

Ganacsiga iyo Malgashiga