Labada Xisbi UCID Iyo Waddani Bristol/ UK Oo Dhaliilay Fara-gelinta Xukuumada Ee Golaha Wakiilada Somaliland

 

Bristo(SM)- Waxa caawa Kulan deg deg ah manta ay isugu yimaadeen labada xisbi qaran ee UCID iyo WADANI magaalada Bristol, UK, kulaankaas ayaa labada xisbi qaran ay ku canbaareeyen farogelinta qaawan ee xukumada Siilaanyo ku hayso Golaha Wakiilada Somaliland.
Labada Xisbi qaran ee UCID iyo WADANI ayaa bulshada reer Somaliland u jeediyey inay difaacan karaamada iyo sharafta golaha wakiilada. waxayna sidoo kale ku baaqeen mudaaharado baaxad leh inay shacabka Somaliland isugu soo baxaan ay golaha Barlamanka Somaliland ku difaacayaan. Xisbiyada UCID IYO WADANI Bristol Uk ayaa ku eedeyey xukumada in ay dimqraadiyadii Somaliland god madow ku riday ayna u horseeday Somaliland fawdo iyo qalalaase hor leh oo cawaaqib xumadeedu ay cidhif ilaa cidhif saameyn ku yeelan kara. waxa sidoo kale sheegeen in xukumadii siilaanyo ay cagta la heshay jidkii digtaytarnimada oo hadh iyo habeenba ay cabudhin joogta ah ku hayso bulshada Somaliland sida saxaafada , xoriyada hadalka iyada oo isticmaalaysa ciidamada RRU.
Ugu danbeyntii, waxay bulshada Somaliland u jeediyeen in ay isugu soo baxaan mudaaharado waaweyn oo lagu diidan yahay sida ay xukumada siilaanyo u burburinayso golahii barlamanka Somaliland ee codka lagu soo doortay oo ay taageeran xaqa kana dhiidhiyaan dulmiga iyo dhagaraha ay xumada siilaanyo u maleegayso golaha wakiilada Somaliland.

images