Labadii Guddi Ee Golaha Wakiilada Oo Isku Mari Waayey Laba Qodob Iyo Wakhtigii Toddobaadka Ahaa Ee Natiijada Laga Sugayay Oo Kaabiga U Saaran

1655995_10152173904683559_1159086387_nFeb 15,2014 Hargeysa(SM)-Wakhtigii toddobaadka ahaa ee uu Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-Waraabe) codsaday in lagu soo afjaro khilaafka golaha wakiilada, ayaa u muuqda inuu kaabiga saaranyahay, iyadoon wax natiijo ah la gaadhin.
Xaaji Cabdi-Waraabe, ayaa wuxuu Isniintii 10 Febarwari, mudanayaasha golaha oo ay xiisadi ka dhex taagnayd ka codsaday inay galaan fasax toddoba maalmood ah si la isugu soo dhaweeyo labada aragtiyood ee kala durugsan ee xiisadda siyaasadeed ka dhex abuuray mudanayaasha golaha wakiilada,

waxaana 11 Febarwari bilaabmay wada hadaladii laba guddi ee labada garab ee golaha wakiilada, kuwaas cadeeyay inay wada hadaladu si wanaagsan ugu socdaan iyadoo aanay cidina ku dhex jirin. Laakiin tan iyo maalintaas, waxaan muuqanin wax horumar ah oo ay wada hadaladaasi sameeyeen, waxaana maanta ay labada guddi isugu imanayaan kulan kale oo muhiim ah, kaas oo aanay muuqanin inay natiijo ka soo baxayso.

Sida ay warar xogogaali sheegayaan, labada guddi ayaa kala wata laba qodob oo kala durugsan. Garabka ka socda guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro ayaa waxay soo jeediyeen aragti ah in meesha laga saaro qodobka golaha buuqa iyo xiisadda geliyay ee dhigaya in labada kuxigeen xilka lagaga qaadi karo 42 cod, waxaanay ku taliyeen in lagu celiyo sidii hore oo ahayd in xilka lagaga qaadi karo 55 cod islamarkaana ay la sinaadaan guddoomiyaha golaha.

Garabka kale, ayaa iyaguna wata in saddexda masuulba [guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa] codka xilka lagaga qaadi karo laga dhigo 42 cod, halka uu imika guddoomiyaha goluhu ka yahay 55 cod, labadiisa ku xigeena ka yihiin 42 cod.
Dad badan ayaa aaminsan in maadaama oo ay labada guddi ee golaha wakiiladu weli gaadhin wax natiijo ah ay muhiim tahay inay ergadii golaha guurtidu soo dhex gasho si aanu iyadoon natiijo la gaadhin u dhammaan wakhtiga toddobaadka ah, iyadoo haddii ay mudanayaashu fadhi isugu yimaadaan natiijada ka hor ay si fudud u soo noqon karto xiisadii siyaasadeed ee taagnayd oo saamayn ku yeelatay amniga guud ee qaranka.

Salaanmedia/ Hargeysa
Geeska