Maamulka Bank Gobolka Sanaag Ee Ceergaabo Oo Ku Guulaystay Socodsiinta Lacagta Shilinka Somaliland , Bulshada Oo Miyi iyo Magaaloba Wax ku kala Iibsanaysa

lacag

Ceergaabo (SM) Tan iyo maalintii Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliland Mudane Cabdi Dirir Cabdi uu ka bedelay
Magaalada Ceergaabo lacagtii Shilin soomaaliga ahayd ee dhibaatada dhaqaale ku haysay bulshada waxaa Maamulaha Bank Ee Gobolka Sanaag Mudane C/laahi Aw Aadan “Baqaye” Dhexda u xidhay socodsiinta lacagta shilinka somaliland iyo suurtagelinta sidii lacagta laanta ahi ay u gaadhi lahayd guud
ahaanba degaanada degmada ceergaabo Miyi iyo magaaloba.

Waxaana Tacab iyo dedaalo aan kala go’ lahayn oo maamulaha banku u galay sidii lacagtaasi bulshada ku dhaqan guud ahaanba degmada ceergaabo ku gaadhi lahayd sirasmiya u hirgashay isticmaalka lacagta shilinka somaliland.
Deegaamada Buuraleyda, xeebaha iyo tuulooyinka degmada Ceergaabo oo aan hore lacagta laantu u gaadhin ayaa mudooyinkanba waxaa wax lagu kala iibsadaa shilinka somaliland, waxaana gebi ahaanba iyadu meesha ka baxday isticmaalka shilin Soomaaligii A4ta ahaa oo noqotay dhibaato bulshadu ka raysatay.

Waxaa sidoo kale Banku meesha ka saaray lacagihii mushahaarooyinka shaqaalaha iyo Ciidamada Gobolka oo hore maamul lacageedyada wasaaradaha iyo Ciidamadu suuqa ka sarifi jireen kuna bixin jireen lacagta Cad-cadka ah ee shilin soomaaliga, taaso haatan Ciidamada kala duwan iyo shaqaalaha dawladaba banku sitoos ah gacanta uga saaro musharkooda oo shilin somaliland ay ku qaataan.

ceerigaabo
Banka Ceergaabo Xiliyada Todobada Subaxnimo ilaa Labada Duhurnimo waxaa ka jira mashquul xoogan waxaadna arkaysaa ganacsatada oo lacago ka bedelanaya kalana baxaya, Ciidamo mushaharooyin kala baxaya iyo dadka biilasha debedaha looga soo diro oo sitoos ah banka uga bedelanaya.

Sikastaba ha ahaatee bulsho weynta reer sanaag kolka laga reebo dhinaca magaalooyinka Badhan iyo Hadaaftimo waxaa si rasmiya Tuulo Tuulo iyo Degmo degmo Buur iyo Banaanba maamulka banka ceergaabo ku guulaystay inay si toos ah uga shaqayso loona wada isticmaalo lacagta laanta ah.

Salaanmedia/Ceerigaabo