MAANSADA LA YIMAAHDO CAAFIMAAD

MOHOLIN

waxa aan salaamayaa warbaahinta

madaxa bannaan .

sannad walba idinkoo nabada

maanta oo ay tahay maalin taan dhashay 28/2/1958

waxa ummadedaq aan  aan usoo gudbina yaa

maanso  aan  ugu  ducaynayo

Waa  maanso  la yidhaa(caafimaad )

(ALLAHAYAW )sideedaba  sirta  dunidu  adigay

Sama kuugu  negidee

saaka  waxaan  barya

ducadayda  iisaha

midda  aanan  seegine

ay  ufuran-tay samadiyo

marin-keedi saxa haa

kadhig (SAATIR )kay-yaw

..

Haddaan saani ugu baxo

Dhibta sada-radee-diyo

Halka ay suntuba taal

Soomaali-yoo  idil waa  dhulkooda

Saxal kiyo safka xumi abbaaree

Dilka ay ka siman-tiyo

Wahab lagu salida-yee

Kala gee yay seeraha

Reerba baadi sooc-diyo

Sumad uu ku dhiga yee

Xuma ugu socdaal yahay

Siqiir iyo kabiir-kaba

Sida-tee qabyaaladi

Sina looga maarayn

ALLAW)caafi-maad  sii

..

Inta samaha diidee

Usahaysa diritiyo

Inta salaw  dhaqaaq-dee

Saami boob-ka ugu dhacay

Caaqil ay ka sibiq-doo

Isagana wax yara si,i

Uu ku xidhay sursuur adag

Shacab taladu seegtoo

Uga mudan sankaa qaar

Ku sabaaya beenoo

Aan garan sasaba-shada

Waxan ay usooc meen

Iyo siligan lagu xidhay

Sabab-teed isweydiin

(ALLAW )CAAFIMAAD SII

Inta debed ku suganee

Mid babkood ku saaqiday

Mid naftaba siraa yoo

Nolo-shuu  saluugiyo

Sahwi orod dhaqaa-qoo

Iyaduu sadqee-yiyo

Tareen-kaa saf ugu jira

(ALLAW ) caafimaad  sii

Saadaal mid waxan jirin

Samadaa ka filayoo

Sabti-diyo arbacadii

Lanbar uu same-yiyo

Lootari sugaayoo

Falku saran yaa badan

(ALLAW ) caafimaad sii

Inta reer samaa-yoo

Sabadoodi hooyana

Sali qudh goglana-yoo

Suruc iyo wax kala dila

Aan lagu salidi-nee

Si alliyo wixii dhacay

Caydh loo sunsuma-yee

Salka dibad lawada dhigay

sirta aan aan la garanini

waa xumaanta socotee

soddoh iyo ninkeedii

kala geysay suuqee

mid kastaa  sifaha jira

ka kaluu wax saaraa

(ALLAW ) caafimaad sii

Sixin leey togdheer iyo

Saba ceeri gaabiyo

Saldhig laasa caanood

Seeraha wajaaliyo

Seylac iyo berbera weyn

Banakii saraareed

Salaxley iyo hawd keed

Xadka siman galbeedee

Lawyacad sintee-diyo

Sii rogoo ah boorama

Iyo wixii gar sare jira

Ilaa caado iyo siraw

Gobolada suddaa  bari

Boosaaso ugusiman

Webiyada sunsuma yiyo

Soonaha banaadira

Sadhag yada marka caddey

Iyo suuqa baydhabo

Surimada jabuutiya..

Inta ubad la soocee

Lagu saydh-shay dibadaha

Dhali yaro samay-doo

Subcis-kii(QURAAN)kiyo

Seygayn xadiis naba

Dabeetana siloobee

In tacliin-ta seeg-too

Sarifaysa buugaan

Sadex miil u gaadhayn

Shaqo subaxa loo ka co

Iyadana ka saa hiday

Safraddaa ku wada nool allaw

(ALLAW ) Caafimaad sii

Sanka qaar daloo shoo

Sagaal nooc timaa iyo

Suunidoodu u egtahay

La saftoo adduun kaa

Sinji qudhaba diidayn

Surwaal  hoos udhiganoo

Sara cidi u qaadayn

Badhta-maha salkoo diyo

Bawdadaa ku simanoo

Nigis-kii sawiran yahay

Sidaasin xarago tahay

(ALLAW) caafi maad sii

Inta wada sarkaal iyo

Siyaasiga usheeg-tee

Suudh-beena iyo hadal

Ku jiree socdaa-lada

Sacidaad la bixiyiyo

Dawarsiga usahayee

Hulaab uu ku sira yiyo

Sayif yahay war-kooduba

Waa cudurka  saarane

Dhammaan ay ka siman yiin

Dawadoo-du samadiyo

Xiddigaa ay sudhan tee

Sahan-kaa maroor samay

(ALLAW ) caafimaad sii

AAMIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIIN

 

CURIYE  WAA MAXAMUU CISMAAN FAARAX

MOHOLIN