Maanso:( durduro geelba kujaba) laxidhiidha silsiladii Garba-diir,

Maanso:( durduro geelba kujaba)  laxidhiidha silsiladii Garba-diir,

Soobaxday 04/ 02/ 14. waxay jawaab utahay tixdii C/raxman (Talaabo) Waxaan salaamaya muslimiinta reer somaliland iyo saxaafada xorta ah. By Eng. xassan A. xalwad.

 maanso

Anigu magabyo balse gola-kafuul yar ayaan isku deyayaa inaan sunnaha kuhago kuwa maqluubka urogay ujeedadii axmed aw geedi iyo sidaynu waxa inaga khaldan fikrado isudhaafsan lahayn, waxaase jira abwaano yidhi khaladba majiro oo indhaha kaxidhay xaqdarada iyo dulmiga.

 

Hadaan shalay dardaarmoon

Hadarjiidhin kugu-idhi,

Maanta dawlis adagbaan 

kuudiirayaayo dacar iyo

qadhaadh-baan dawo kaagadhigaya,

Hadaad dooxday gabaygii

Diiday waanadaydii

Marlabaadna dooxiyo

Soofarurtay daadkale

Deelqaaf siyaada ah,

Jidhku ima-dubaaxshoo

ma-damqado libaaxuye

Hadiir-nixin talaabow,

Mana-jiro dagaaliyo

Duulimaad dhexdeene

Haka-didine waa dood

Dulmanaha uhiilee,

 

Markaad dawladeenani

waa daacad-tidhibaan

Daliishaday talaabow

Denigiyo inaad- tahay

Dabadhoonka maandeeq

Daydaygaa berbera iyo

Dekeda iyo haamii dayrka-

loogu-xidhayee, dikreetada

Kuqaatee macdantii daboolayd

iyo dahabki buuraha kuraraaya

Doonyaha,

 

Hadii dalawadeenii danbarkeedi

keligaa kudur-duuro laguyidhi

Da-yartii waxbaratiyo kuwii-kuladada-

ahaa badda doobinaysiyo doonyahay-

kuledeen,

Hadaad malabki doocaan

ku-dabaalanaysood 

Daad-wararac leedahay

Dadkii-kale haraadiyo

darxumay kunoolyiin,

 

Dibu-raac silsiladii deeleydi-

berigii iidaan godkuu-degey

kudarsaday wuxuu yidhi-

Dibigii xareediyo dooxadu

ubuuxdee dinaahyeeyey ee

ciyey isagiyo dibiradii, waase

doqone yeelkeed,

 

Ana waxan kudaraya talaabow

docdiinii haddii-roobkada-ayoo

daruuru kuhooreen

ma-mid Daayin shubaybaa?

Mise darawal-jaaniyo

Tijaalbaa dalbadayoo

Daydadan bayaha badan

idiin-doojay keligiin?

 

Deeq Ilaahay maahee-

Danyartiyo agoomuhu

duunyaday cashuurtiyo

danta guud ubixiyeen

Hadii ay-daruuriyo kulanoqotay

Roob-da-ay adigiyo dadnimada

Ka-durduurtey wow halis

Daacuunka fida iyo qaaxada

dilaaga ah,

Aakhirana dogobada dabka-

Naarta lagushido dermadiisu-

Weeyaan, siday diintu nagutidhi,

Dalka waanu joognaa, hayadaha

Danleydee dawladaha shisheeyuhu

Dawersigay udhiibeen, markay dayactiraan

Meel, ayaa dawladeenii dibu-sheegataayoo

Vediyow laduubiyo maqas-lagala daala,

 

sheekooyinkii dura maah maahda lagudaray

Dawac iyo khiyaamadu waa deris-walaala ah

Difaaciyo hubkooduna dafiraada weeyaan,

Hadaan diidi-jirey shalay maantan daliishaday

Waana daahir yaa-shamis,

 

Nin indhaha dansadayow-doonimaysid laydhkoo

Dadku haga mahaynee, dibu-furo indhaha dedan,

Nin dawaarka waalida kutolaaya daahyada

Duruucdiyo khamiisyada duntoodii-haweydiin,

Nin udooday shaydaan dubahaygu kama-foga

Nin darmaan lasaaroo daaji-geela laguyidhi

Hadii uu didsadayo duulkale kafaasaxay-

Adna aad dilaashoo doonya-qaad utahay weli,

Doon-yeysan maynoo degtaan qoriga-

Saarnee, daydayo dhufays adag,

Nin dunuubta mehersaday

Kadumaalay kii-qabay

Daacadi malxiisiyo umanoqoto

Dadab adag,

 

Waxaan diiday beri-hore

kelitaliye diin neceb

maantana dariiqaa dar-uheegana-jira,

Waxaan diiday guulwade damdam iyo 

mash-xaradii,

maantana ducaalow derejada laqaataba

iyadaa udoor-roon,

waxaan diiday beri-hore heesaha-

madaaliyo na-daadihi Siyaadow,

Maantana dalkeenii duqu-waa-sahaale

Dawladiisi hoosa dalacaada bixisoo

Duco iyo amaanbaa murti-loogu deexdaa,

 

Waxaan diiday berihore Dafle Moorgan dalaboo

Lagu-daajo xididbaa dusha layga-saaree

Maantay kadarantuu dibi dhalay saceenii

Doogiyo caleentii Ayaxbaa kudegayoo

Koronkoro dilaacdiyo diir-buu kudhalaya,

 

Ana daawan-maayee

Suntan lagula-daaliyo

Dabiib-baan kumaqanahay

Adiguna ma-daalow

Guul-wade tigtoonow

Aadan hawdardaar-werin

Hakutumin durbaan madhan

Nin didaaya maahee.