MAANSO: HAQOOMIN DAMIIRKA OO KUSOCOTA ABWAAN DHAKO.BY XASSAN A. XALWAD.

 

maanso

Markaan arkay maansadii abwaan dhako kulahadlay abwaan jaamac riyo, daboolkana kaqaaday in lasoo-adeegsaday dhako. Ayaan xaal iyo raali-gelin kabixinaya, iyadoo aanu wadaagno Caaqil, kii-qaban lahaana aan ahay abwaan dhako.

 

Maanso yaroo gola-kafuula oo isugujirta canaan iyo waano.

 

Hadaan dhako daaha saaro

Hadaan dedefeeyo tiisa

Uduur-xulo anigu tayda

Hadaan runta daadeheeyo

Udaadego dulucda heesta

Dadnimo waa dareenka ruuxa

Udiida wixii dunuuba

Damiir-kiisana hagaaya

Hayeeshee doodan manta

Dhakiyo daan-daansigiisa,

Doraad xukun-kuu dalaaqay

Meherkii degdeg usiiyey

Dufan-jecel uu kusheegay

Dadkuu dhaqan-kooda-

Diiday,

Dugaag kumasaalay caydha

Kuwuu dawersiga kucaayey

Diirtiyo ayaxana uraacshay

Inuu maantana dillaalo-

Weliba ugu-doodo maanso

Aniga iga-degiba-maysee

Hadmaa damacii habaabay?

Door-soomay ninkii wacnaaba?

Hadmuu dhako doontan fuulay-

Dalooshee sii-degaysa?

Hadmuu-doobiga uqaatay

Hashuu danbar-saday dhurwaagu?

 

Dirxigu qudhunkuu dabaashay

Dantiisu ugu-jiraaye

Haduu damacii wal-waalay

Duufaanki xumaantu qaaday

Haduu daaquudyo raacay

Dabayshaday doogsin cararay

Haduu daawaday hilaaca

Daruurta kuhoortay saxare

Weliba didib-oon qoyeynba

Dibuu uga-qooma-moone-

Anigu wow-digay walaalkay,

 

Horuu-udarjiidhay sheekhu

Duxdii Udub-buu xasuustay

Dabbaa uga-baxaya meelfog

Durbaanki xertaw hugmaaya

Dayladi-lacunow uraysa

Duulkii qashay-baa ubaaqay

Inay udubaan shiriiryo-

Markii daribtii dhamaatay,

 

Intaasi dar-daaran-weeye

Digniinti abwaanka weeye

Diirkaa kanaxaaya weeye

Duqayda hamaagin weeye

Deriska xanaani weeye

Daryeelis xigaalka weeye

Dumaal ha-udhaamin weeye

Dameero haraacin weeye

Dulmiga hawaraabin weeye,

 

Dhakow dagaalkad bilowday

Doraad igu-gelisay waa-xaq

Daliil waaqaca nasiisay

Dulmiga jira noo-astaysay

Dabkiyo qoryihii uguranay

Inaan duulaan bilowno

Danyartana aan-kadhicino

Dibbir-kiyo duub-castiisa,

 

Hadaad dibu-guratay adigu

Hadaad daadisay rasaastii

Dunbuqi hadaad xaraashtay

Hadaad door-biday caloosha

Dulmiye haddaad kubiirtay

Inaad isdedaa haboone

Durbaankiyo heesta jooji,

 

Dalqada godob haw-xanbaaran

Hadoorin libaax hankiisa

Dayiyo hawdhuran waraabe

Dugaag hala-boobin hilibka

Weliba haw-dabafadhiisan

Laftuu diirkii dhamaystay,

Hadduu kuyidha dalooli

Duxdiyo dhuuxeeda heenso

Dugsibaa lala-galaaye

Hadaad debedaa kunuugto

Dadkoo ku-arkaaya laacdo

Dibnaha aad-kaga-sanqadhiso

Hadana ceebteeda diido

Adaa dalagaa yaqaana.