MAANSO . MAXAA DHACAY

MOHOLIN

17 /2 / 14

waxa  aan  salaamayaa  war-baahinta

waxa  wacan  u madaxa  bannaan

waa  maanso  gaaban  la  yidhaa

maxaa  dhacay  oo  ku  socota

abwaan  DHAKO

..

 

Dh,da  manta  waa  iga  wardoon

Oo  dhakays-kalehe

Suugaan  dharaar  hore  maraad

Dhugasha-raacaysay

Dhugtan-kaaga  meeshii  habboon

Goolka  dhali-naysay

Ood-dhaliilo  wada  muuqda-iyo

Dhabar  jab  gaadh-siisay

Adigaan  dhita-uyeelinoo

Wada  dhacoo  tuuray

Dhabaa-baco  fardaha  leexday-iyo

Dhaan-ka  aan  imanin

Boqolaal  dhabbood  maalin-taa

Dhinac-walbaw  raac-day

Ma-dhag-bay  ka-siiyeen  xumaan

Kicisay  dhiigaaga

Dhako  uu  fariid  leeya-hoo

Dhidida  maan-teeda

Oon  xaqa  ku  dheel-dheelin  baan

Kuugu  dhigay  buuge

Geesi  dhiiran-baan  kugu  ogaa

Dhuunsan  weligii-ye

Bal  awoow  maxaa  dhacay

Warkani  ii  dhaadhami-waaye

 

Curiye.maxamuud  cismaan( moholin )