Maanso.. Silsiladaa,waxana ay lamagac baxaday DIGLAY

Mansadan waxa tiriyay ABWAAN MAXAMED XIRSI GUULEED kaasi oo abwwanku ugu jawabayo abwanada kala ah sacad cali kaahin iyo abwaan xildhibaan maxamed faarax qabile iyo axmed aw geedi

aad idiin kala baxo mansadii DIGLAY
waxaanay ku bilabmaysaa sidan
 maanso
Deelaydu waa dahab
Waa deleb ciyaareed
Dadkoo idil uwada furan
Deelqaaf ka madhan yahay
Dawo iyo waa caafimaad sida
Dulqaad kama tagane garo
Duco waa u meel yaal
Daan daasi waa muran
Isku dayasho wa ceeb
Doodaha haldoorkuna
Deris weeye dhaxal gala
Danta aan u jeediyo
Dubuubta aan u soo dago
Degelka aan ka galayana
Diglay weeye maansadu
Waa daymo badanlay
Wiilal baan u dirayaa
Deelayna noo fuaran
Digta hore salaan guud
Danbaabidho ma fiicnee
Dareenkaad wadaan talaw
Ma dadku haysku yacaa
Dayaw iyo dayankani
Waxay daran yihiin sheeg
Dirka mansadii nana
Dumin bay u badan tahay
Garba diiri daw ma leh
Oo dadkaa ka gaabsaday
Dundumo maydh
Dan dheer ma leh
Iyo aragti daacada
Dube iyo daalin malagii
Dunidoo dhan gaadhoo
Dab wax guba in yihiin
Diir kama saarnee
Durdurada iyo fudayd kuna
Waa damaca shaydaan
Ee dul iyo hoos ka eego
Dibin daabyo aad miga
Hala doonin abidkaa
Dar alle ma waxa tihiin
Kuwa seexday duhuroo
Diba aan u soo kicin
Dar alle ma waxa tihiin
Dadkii aakhiraa dee
Indhaha laga daboolee
Debnuu hadalka dayeen
Dar alle ma waxa tihiin
Dufaankii barigii
Inoo tuuray dabadee
Duur seexadkeenii
Deris siisay faqashtii
Dar alle ma waxa tihiin
Da,yar ay colaadiyo
Daashadeen coladoo
Dam daguugan laga dhigay
Dar alle ma waxa tihiin
Daruuraha dushoodiyo
Dayaxaa sareetiyo
Ka heesaya duni kale
Dar alle ma waxa tihiin
Dar la doorsadoo bari
Daba maray dastuurkiyo
Sharcigaa dalka u yaal
Dar alle ma waxa tihiin
Dilaaliin xarfaanoo
Dabinada yaqaanoo
Aarkii daboliyo
U galeen bahalo kale
Dar alle ma waxa tihiin
Danabadii soo dagaalamaye
Oo la duudsiayay xaqoodii
Dawgiina ka anbaday
Dar alle ma wax tihiin
Dig dig beena iyo hadal
Waxaan jirin ku doontoo
Ku du yaya samhana
Dar alle ma waxa tihiin
Dadan iyo daaalacan
Diricyada xaqiroo
Dockaluun ka eegoo
Dadaal uu ka madhan yahay
Dar alle ma waxa tihiin
Ma dadaalayashii
Bulshadiyo dad waynaha
Dawladeenan taam ka ah
Doorashooyinkii dhacay
Deel qaaf kawada dhigay
Dar alle ma waxa tihiin
Duqaydii hal doorkoo
Duur xulkoodu adagyoo
Danahoodu dheer yiihin
Dar alle ma waxa tihiin
Durbaan madhan garacyada
Dubu dhaca ka taliyee
Hadal uun dudu biyee
Kala dila dadka is jecel
Dar alle ma waxa tihiin
Duul soo socdoon iman
Dirin diir sideedana
Duba aan waxaba u dhigan
Waxay diidayin iyo waxay dooanayaan jirin
Dayay dayoo laga daday wanagaba
Dar alle ma waxa tihiin
Dadkii waa shay bariyee
Dabar iyo hogaan iyo
Lagu xidhay duleedkee
Dabiib iyo dawoo idil
Culimadu ku daaleen
Deelay digleey dhaha
Dabaal weeye ee garro
Dadka way liqdaa garro
Dirir maaha ee garro
Duulaan maaha ee garro
Digdigteeda jaantaa
Dal dheer laga maqlaa garro
Doonyo qaad maaha ee garro
Difaac maaha ee garro
Digniin maaha ee garro
Dacwad maaha ee garro
Daawad may dekaamine
Docna may u ciirine
Dayac way ka dheertahay
Darkaa lagu lisaayoo
Dur dur weeye caanuhu
Doobiyaday ka buuxaan
Dadkuna waa u simanyahay
Dal jirbaa daajinaayoo
Duco qabe ayay beeshu tidhi
Doog iyo halkii barwaaqo ah
Ku duwaaya kayntaa
Dooroonahaa dadkiyo
Duunyada hor kacay
Dalab iyo ceeb ka dheer
Tuu dooni ninkii ka waayaa
Darkaa mudan baa jire ee
Damacu inuu buur saaray
Dudmo iyo cawri maxay u tari
Dabin iyo haduu dhagar dedan maleego
Dariiqii wacnaa inuu ka leexday
Dalalawsin iyo daw inuu kadhaco
Dadweynahaa taa ka marag furaaya
Dadweynii-baa wada dhawaaqee
Dayay dumur iyo ragii way wada jiraane
Dayaay dalka horuumarkiisa
Dayaay waxa jaamacado dedan
Dayaay waxaan daaro jeexnay
Dayaay waxa fooq bidhaami
Dayaay dugsi dheer waxa ka muuqda
Dayaay ubad waxa lagu barbaarin
Dayaay dalxiiska halkaan ka gaadhnay
Dayaay waxa beer soo baxaysa
Dayaay waxa diyaarado degaaya
Dayaay duunyo waxa ka foofi
Dayaay waxa baarlamaan sharciyada kadooda
Dayaay dahab waxa suuqa yaala
Dayaay dekedaheenan wada camiran
Dayaay waxa lacag suuqa wadhan
Dayaay duunyo waxa ka dhoofi
Dayaay isgaadhsiinteenan bilan
Dayaay xawaaldahan dunidaba ka yaabshay
Dayaay duub iyo waxa duq jooga danteena u heegana
Dayaay dawladeedan dacalada aduuka gaadhay
Dayaay dabaaldega ciidankeena
Dayaay booliskeenan aan daali haynin
Dayaay derajadan wada ifaysa
Dayaay bilaantiyo qurux badnaanta
Dayaay wershadahan diririgleyn
Dayaay digriga culimadeena
Dayaay waxay quraan daliilin
Dayaay dabaqyada masaajideena
Dayaay waxa aadan ka yeedhi
Dayaay duco iyo aamiintanaan marqudha aandamaynin
Deelay digleey dhaha
Daacuun maaha ee garro
Dacar iyo qadhaadh maaha
Deebaaq iyo macaan maaha
Dulin iyo dar xumo maaha
Dulmi maaha ee garro
Danta aan u jeediyo
Dulucda aan u daadego
Dacal ka dhaafi maayee
Waa dardaaran ee garro
Duugeedu waa tallo
Durba hoga tusaalaha
Daadihinta maansada
Doodaha culculus iyo
Dareenada isu tebiaw
Dawyadaad maraysaan
Daah igama saaree
Diiwaanka geliyoo
Waa inoo saadabiyo guul
Abwaan maxa/ed xirsi guuleed TEL 0634405578
WAXAY SOO BAXADAY 03/02/014