Madaafiic iyo qaraxyo caawa ruxay Magaalada Muqdisho

Xabada iyo Madaafiicda mucaaradka Syria oo xaafado hor leh ku faaftay & xoogaga Bashar Al Asad oo…(Daawo Muuqaal+Warbixin)

 

Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa caawa ruxay madaafiic xoogan oo ay barbar socdeen qaraxyo kaloo laga maqlaayay Magaalada, waxayna madaafiicdu ahaayeen kuwo jug xoogan sameynaayay.

Madaafiicdaan oo u muuqday kuwo loo ridaayay dhinaca Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa waxay ku soo daateen Degmooyinka ku dhow dhow Madaxtooyada.

Laba madfac, ayaa ku soo dhacay Beerta Nabadda ee Degmada Xamar Weyne, inkastoo aan la soo warin cid wax ku noqotay, ilaa iyo hadda inta laga warqabo.

Madfac kale, ayaa ku soo dhacay agagaaraha Masaajidka Sheekh C/qaadir ee Degmada Xamar Weyne, oo ku dhow Golihii Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre.

Madfac daryan xoogan sameeyay, ayaa sidoo kale ku soo dhacay Wadada loo yaqaano Sheerale ee Degmada Xamar Jajab, waxaana la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen laba ruux.

Xaafadda Jaamacadaha ee Degmada Hodan, ayaa waxaa sidoo kale ku soo dhacay hal madfac, wuxuuna gudaha ugu dhacay Xarun ay Ciidanka Amisom halkaasi ku lee yihiin. Waxaana la arkaayay Ciidanka Amisom oo rasaas xoogan kaga jawaabaaya.

Dhinaca Waqooyiga Magaalada Muqdisho, ayaa sidoo kale laga maqlaayay madaafiic, ay barbar socdeen qaraxyo, iyadoo ay adag tahay in faah faahin laga halo khasaaraha ay geysteen madaafiicdaasi.

Guud ahaan Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa caawa laga maqlay ilaa sideed xabo oo madaafiic ah, iyadoo aan weli la aqoonsan halka laga soo ridaayay.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ammaanka ee Dowladda, oo ku aadan duqeymaha caawa loo qaybiyay qaybo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Salaanmedia/Mogdisho