MADAX DHAQAMEEDKA IYO WAX GARADKA BEESHA GUDOOMIYE CIRRO SHIR DEG DEG AH KAYEESHAY, DAGAALKA QAAWAN EE AY XUKUUMADU KUSOO QAADAY GUDOOMIYAHA GOLAHA WAKIILADA, MUDAHARAADO CAAWA KASOCDA BARIGA HARGEISA, CABI QALALAASE OO MAALINTA LAFILAYO IN AY KADHACDO MAGAALADA HARGEISA.

Brok news

 

 

 

 

 

 

 

Madax Dhaqameedka iyo Wax Garadka Beesha Gudoomiye Cirro Shir Deg Deg ah Kayeeshay, Dagaalka Qaawan ee Ay Xukuumadu Kusoo Qaaday Gudoomiyaha Golaha Wakiilada, Mudaharaado Caawa Kasocda Bariga Hargeisa, Cabi Qalalaase oo Maalinta Lafilayo in ay Kadhacdo Magaalada Hargeisa.

/ Shir- Deg deg ah, oo ay Caawa Hotel Kaah Kuyeesheen Wax Garadka, DHilinyarada iyo Siyaasiinta Beelaha Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland,ayay Kaga Arinsadeen Aqalalaasaha ay Xukuumada Siilaanyo Waddanka Galisay iyo Waxa Maalinta Bariya Laga Yeelayo, Dhagarta ay Maleegayaan Xidhibaanada ay Xukuumada Siilaanyo Lacagta iyo laaluushka Soosiiyeen.

 

Shirkan ayaa Layskula Qaatay in aan Marnaba La Aqbalin Duulaanka Qaawan ee Xukuumada Siilaanyo Sida Tooska Ah ugu Beegasanayso Qaar Kamida Madaxda Beelaha Somaliland.

 

Maalinta Bariya ayaa Lafilaya Mudahahaar Balaadhan iyo Taageerayaasha Gudoomiyaha Golaha Wakiiladu Kay Kadhigaan Magaalooyin Badan oo Somaliland Si ay Uga Hortagaan Duulaanka Xukuumada Siilaanyo.

 

Xaalada Magaalada Hargeisa ayaa Caawa Cakiran iyada oo laysku Diyaarinayo Waxa Dhici Doona Maalinta Bariya..

Salaanmedia/Hargaysa