Madaxtooyada Somaliland Oo Ciidamo U Dirtay Golaha Barlamaanka Si Ay Khal Khal U Galiyaan Golaha

Madaxtooyada Somaliland Oo Ciidamo U Dirtay Golaha Barlamaanka Si Ay Khal Khal U Galiyaan Golaha

BOOLIISK

Hargeisa-(SM)-Qasriga Madaxtooyada ayaa goor-dhaweyd ciidamo Booliiska geliyay gudaha xarunta iyo kanboolka golaha wakiilada si ay khalkhal u geliyaan golaha,islamarkaana debeda ugu saraan dadweyne u yimi halkaas dhegaysiga dooda golaha wakiilada la filaayey inay ka bilaabmato.

Yeelkeede Ciidamadan Booliiska ayaa sida xoggo xog ogaal ahi tibaxayaan waxaa dalbaday labada gudoomiye ku xigeen Baashe iyo Cali Yuusuf iyo Xildhibaanada laga soo shidaaliyo Qasriga madaxtooyada oo doonaya in mooshino ay madaxtooyadu ku soo rartay xoog ku jiidhsiiyaan gol-weynaha oo duuduub loogu codeeyo iyadaan laga doodin ama sharciga la marsiin waayo waxay shaki iyo cabsi weyn ka qabaan in rabitaankoodu shaqeyn waayo.

Salaanmedia/Hargaysa