Madaxtooyada Somaliland oo labadii Gudoomiye ku-xigeen ee Baarlamaanka Somaliland ku metaashay laba habrood oo Gudoomiye Cirro u dhaxay uuna ku legdin bartay

Madaxtooyada Somaliland oo labadii Gudoomiye ku-xigeen ee Baarlamaanka Somaliland ku metaashay laba habrood oo Gudoomiye Cirro u dhaxay uuna ku legdin bartay

MAQAAL

‘’ Waxaan ka soo jeedaa reer Riyoolay ah oo riyaha dhaqda.  Waxaa jiray oday reerkayaga ah oo markuu caanaha riyaha ka dhergo labadiisa islaamood iyo labadiisa carruurta ah la legdami jiray oo marba mid dhan mijo iyo madax ugu tuuri jiray.  Maalintii dambe ayuu tuulo tegay, waxay is heleen nin libaax ah oo uu yidhi  ila legdan.  Ninkii ayaa beerka kaga degay odaygii riyoolaha ahaa markaasuu sanka caano ka keenay’’  

(Wasiirka Madaxtooyada, Liverpool 01/02/2014)

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa habeenkii sabtida ee 01/02/2014ka wuxuu kulan la qaatay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan magaalada Liverpool oo dhacda dhanka Waqooyi Galbeed ee dalka boqortooyada Ingiriiska.  Magaaladan ayaa Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan waxaa lagu qiyaasaa ilaa 2000 oo qof marka lagu daro dumarka iyo carruurta xataa, waana Jaaliyadaha ugu tirada yar marka loo eego kuwa ku dhaqan magaalooyinka London, Birmingham, Sheffield, Bristol iyo Cardiff oo kale.  Jaaliyada magaaladan ku dhaqan ayaa u badan dad ka soo jeeda beesha Madaxweyne Siilaanyo khaasatan jufada Siilaanyo, ciddii dafiraysana waxaa cadayn ugu filan, gabadh ka mid ah dumarkii meesha ka hadlayay ee reer Liverpool oo si toos ah u caddaysay in Jaaliyadu u badan tahay reer Togdheer.  Runtii dadka degan dalka Ingiriisku way is yaqaanaan oo uma baahna caddayn iyagu.

 

Waxaa iyana jiray dad aan badnayn oo ka kala yimid magaalooyinka Manchester, Sheffield, Birmingham iyo London oo iyaguma u badnaa mutadawaciin beelaysan.  Madaxweynaha ayaa runtii ka muquurtay inuu wakhti la qaadato shacab waynaha Jamhuuriyada Somaliland.  

 

Waxaa runtii ceeb ah in Madaxweyne Siilaanyo oo si dimoqraadi ah oo (one man, one vote’) ah loo soo doortay uu xaggii dimoqraadiyada kaga dambeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh oo hogaamiya dawladda taagta daran ee Muqdisho.  Waxaa tusaale idiinku filan imisa jeer ayaad aragteen Madaxweyne Xasan Sheekh oo TVga Universal intuu shacabkiisa soo hor fadhiistay su’aalo miisan leh lagala daalay, si hufan oo karaamo ku jirtana uga jawaabaya.  Madaxweyne Siilaanyo oo si dimoqraadi ah loo soo doortay ayaa kolba afar ay isku reer yihiin ay xaafad kula dhuumanayaan,  waana ayaan darro aad u wayn oo ku habsatay shacabka reer Somaliland.  Intaasi haddii aan ku dhaafo arrinka guud ee xaflada oon u gonda-dego dulucda maqaalka waxaan filayaa in cid kasto oo dhegaysatay khudbadihii laga jeediyay meesha uu maqlayay hadalka aan ku bilaabay maqaalkan ee Wasiirka Madaxtooyadu ku khatimay khudbadiisii ‘’faanka’’ u badnayd.

Waynu ka dhur-sugi doonaa Wasiirka Madaxtooyada iyo Gudoomiyaha Baarlamanka ka farta dhexda ka qaniina ama ka caano sanka ka keena, waxaanse aad uga naxay labada Gudoomiye Ku-xigeen ee Baarlamanka Somaliland ee sida aan gabashada lahayn ula saftay Madaxtooyada ee haddana Wasiirka Madaxtooyadu ku tilmaamay habro Gudoomiyaha Baarlamanka u dhaxay oo uu ku legdin bartay.   Alloow nimankaasi meel xun ma is dhigeen.  Dawladnimadii Somaliland ee rajada badan laga qabay, juhdiga badana la geliyay waxay maanta ku soo ururtay wax wiilkan yar ee aan khibradda, aqoonta, iyo xikmada siyaasadeed midna lahayni ku hanjabo oo ilaa Baarlamankii Qaranka Somaliland ugu hanjabo.  ‘’ Dawladnimoow tanna ma kuu dambaysay’’.  Hadda waa golihii shacabka ee ummadaba wakiilka ka ahaa cidda uu u hanjebayaa, Gudoomiyuhu waa ka shakhsi, mana codeeyo inta badan.  Xeer hoosaadka uu ka hadlayayna Golawaynaha ayaa keenay una codeeyay.  

 

Wasiirka kub-ku-siigalaha ah  waxaa si cad hadalkiisa uga muuqday in haddii aan Golaha Wakiiladu aanu marin waxa ay Madaxtooyadu rabto uu dagaal la gelayo, Gudoomiyahoodana sanka caano kaga keenaya sida uu sabaaxad ugu waddo, waar wiilku cawaandisanaa (belo).  ‘’Waxaa wax laga xumaado oo nasiib darro ah in maanta siyaasadii Somaliland dadka noocaas u hadlaya gacanta u gashay’’

 

Waxaan kaga baxay, waxaan aad uga xumahay labadaas oday ee Gudoomiye Ku-xigeenada Baarlamanka fadeexada ka soo gaadhay dagaalkii siyaasadeed ee ay sida khaldan ugu taageerayeen Madaxtooyada.  Su’aashu waxayse tahay taloow wax ma ku qaadan doonaan waqdaa gaadhay.

Maxamed Aw Yuusuf

Birmingham  UK