Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas oo ku sugan Villa Soomaaliya iyo wadahadalo u socda Madaxweyne Xasan Sheekh.

image

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo hada ku sugan madaxtooyada Soomaaliya.

C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha Puntland oo ay wehliyaan Madaxweynihii hore ee Puntland Generaal Cadde Muuse iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa barqadii maanta kasoo degay Garoonka Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka ayaa Garoonka Muqdisho kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas.

Gaas ayaa waxaa loo galbiyay Madaxtooyada Villa Soomaaliya, waxaana hada ay kulan wada qaadanayaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed, iyadoo wafdigii kale ee la socday Madaxweynaha Puntland la dejiyay Hoteel ku yaala Magaalada Muqdisho.

Ujeedka Madaxweynaha Puntland uu uyimid Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay tahay ka qeybgalka aas-qaran oo maalinta berito ah loo sameynayo Ra’iisul Wasaarihii Soomaaliya ee dalka Mareykanka ku geeriyooday.

Ehelada Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo wafdiga Madaxweynaha Puntland qeyb ka ah ayaa iyagana waxaa la dejiyay Hoteel ku yaala Magaalada Muqdisho.

Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo deegaan ahaan kasoo jeeda Puntland ayaa ku dhashay deegaanka la yiraahdo Ceelwacayseed gobolka Nugaal, wuxuuna Baarlamanka Somalia kasoo galay degmada Eyl sanadku markuu ahaa 1959-kii halkaasoo uu markii danbe dadaal ugu jiray sidii dalka hormarkiisa iyo midnimadiisa looga shaqayn lahaa.

Salaanmedia/Mogdisho