Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Yeeshay Shirguddoonka Golaha Wakiilada+Sawirro

(SM:Hargaysa) Guddidii Dhex-dhexaadinta ka Waday labadii garab ee golaha Wakiilada Somaliland ayaa maanta ku Guulaystay soo afjaridii khilaafkaasi.

Dhinacyadii isku hayey Khilaafka Golaha Wakiilada Somaliland oo ay Hogaaminaayeen Xaaji Cabdi-Waraabe iyo Guddoomiye Cirro ayaa waxay qasriga Madaxtooyada kulan kula yeesheen Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in uu soo dhaweynaayo wax kasta oo ay isla qaataan Labada Gole, ka madaxweyne ahaana uu diyaar u yahay  wixii danta ummadda iyo ta Qarankuba ay ku jirto, isaga oo madaxweynuhu uga mahadnaqay go’aanka ay mudanayaasha Golaha Wakiiladu gaadheen.

Qodobada ay Guurtida iyo wakiiladu isla qaateen ayaa waxay ahaayeen.

1.In Saddexda Gudoomiye la isugu keeno 42 Cod.

2.In iyaga oo shaqadooda gaba-maahee in aanay meesha iman wax mooshin ah oo lagu ridaayo sadexdooda midna.

3. In Goluhu fasax ahaado inta ka dhiman fasixii ay ku jireen ee la isla qaatay.

Salaanmedia/Hargaysa