Madaxweynaha Somaliya iyo Nicholas Kay oo shir jaraa’id ku wada qabtay Xarunta Xalane

madaxtooyo

 

Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya, ayaa labaduba shir jaraa’id oo wada jir ah ku qabtay Xalane.

Xalane waxaa maanta ka soconaaya shir looga hadlaayo Barnaamijka New Deal, waxaana ka qayb galaaya dhinacyada kala duwan ee uu khuseeyo shirkaasi, isla-markaana Madaxweynaha Somaliya iyo Nicholas Kay, ayaa shirka jaraa’id qabtay kahor inta aanu furmin shirka New Deal.

Madaxweynaha Somaliya oo hadalka ku horeeyay, ayaa wuxuu ka digay in leeska hubiyo Warbixinada laga qoraayo Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ee markaasi eedeymaha loogu soo jeedinaayo Dowladda.

Madaxweynaha, ayaa soo hadalqaaday Warbixintii ugu dambeysay ee Guddiga daba-galka hubka Somaliya ee Qaramada Midoobe, ka qoreen Dowladda Federalka, wuxuuna ku sheegay mid aanu waxba ka jirin oo lagu deg degay.

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu kaloo soo hadalqaaday dhibaatooyinka Shabaabku ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho, isagoona ku eedeeyay in ay ku hawlan yihiin qal-qal gelinta Ummada Somaliyeed, laakiin ay goor dhow soo afjari doonaan.

Nicholas Kay, ayaa dhinaciisa Dowladda ku eedeeyay in ay si weyn kaga gaabisay wax ka qabashada ammaanka Magaalada Muqdisho, markii ay Shabaabku xoojiyeen weerarada ay ka fulinayaan Caasimada.

Sidoo kale wuxuu Dowladda uu ku booriyay in si fir fircoon ay kaga shaqeyso ammaanka Magaalada Muqdisho, isla-markaana la xoojiyo Hay’adaha ammaanka qaabilsan ee Dowladda.

Laamaha ammaanka, ayuu ugu baaqay in ay wada shaqayn la yeeshaan Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, iyagoo markaasi iska wada kaashanaaya xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho.

Mr. Kay, ayaa balanqaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay u fidinayaan Dowladda Federalka ee Soomaaliya, si ay u suurta gasho qorshaha ah in Somaliya ay dib ugu soo laabato dhabaha nabadda iyo horumarka.

Salaanmedia/Mogdisho