Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Oo Xaalad Caafimaad Safar Ugu Amba Baxay Dalka Turkiga

image

Feb 09,2014 Muqdisho(SM)- Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya, ayaa wuxuu maanta uu safar ugu amba baxay dalka Turkiga.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaa ka amba baxay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxayna saacadaha soo socda ka caga dhigan doonaan Magaalada Istanbul.

Masuuliyiin ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaanada Baarlamaanka, Saraakiil Ciidan iyo xubno kale, ayaa u galbiyay Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cadde.

Safarka Madaxweynaha Soomaaliya oo qaadan doono muddo toddobaad ah amaba ka badan, ayaa wuxuu la xidhiidha arrimo caafimaadeed, oo uu Madaxweynuhu u tagaayo dalkaa.

Salaannedia/Mogdisho