Madaxweynaha Sonaliland Oo Shacabka Ka Tacsi Yadeeyay Geerida Xaji Daa’uud Warsame Oo Kamid Ahaa Odayaasha Somaliland.

(SM-Hargaysa) Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa shacabka ka tacsi yadeeyay geerida Marxuum Xaji Da’uud Warsame Nageeye, oo kamid ahaa odayaasha dalka, isagoo marxuumku ku geeriyooday Magaaladda Boorame ee  xarunta gobolka Awdal. Dhanbaalka Madaxweynaha Somaliland ayaa u dhignaa isagoo dhammaystiran sidan.

TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Siilaanyo), waxa uu tacsi u dirayaa Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Daa’uud Warsame Nageeye oo ku geeriyooday 08/01.2014, Boorama, Marxuumka oo ka mid ahaa odayaashi ka soo qayb qaatay dib u dhiskii Qaranka iyo nabadayntii beelaha wada dega Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo  Shacbiga Somaliland uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.