Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Oo Maanta Ku Soo Laabtay Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Oo Maanta Ku Soo Laabtay Magaalada Muqdisho

images (1)Feb 16,2014 Muqdisho(SM)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka ee Soomaaliya Prof. Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu horkacaayay, ayaa waxay maanta ku soo laabteen Magaalada Muqdisho.

Masuuliyiin uu horkacaayay Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, ayaa wefdiga Madaxweynaha waxa ay ku soo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cadde.

Madaxweynaha Soomaaliya oo shir jaraa’id ku qabtay Garoonka Aadan Cadde, ayaa wuxuu si weyn uu kaga hadlay arrinta ku aadan xaaladiisa caafimaadeed, oo Warbaahinta qaar ay qoreen in ay liidato.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku waramay in caafimaadkiisu uu yahay mid aad u wanaagsan, iyadoo uu markale uu si kulul u beeniyay wararkii been abuurka ahaa, ee ay Saxaafadu baahisay.

Sidoo kale Madaxweynaha, ayaa wuxuu ka waramay booqashadii uu dalka Turkiga ku joogay, isagoo sheegay in uu kula soo kulmay Madaxda dalkaasi, ayna ka wada hadleen arrimo badan, sida uu yiri.

Madaxweynaha, wuxuu kaloo sheegay in billaha soo socda ay noqon doonaan, mid Ururka Al Shabaab looga sifeynaayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya.

Salaanmedia/Mogdisho