Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Dareenkiisa La Xidhiidhka Xallinta Khilaafkii Wakiillada

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Dareenkiisa La Xidhiidhka Xallinta Khilaafkii Wakiillada

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo1Fab 20,2014 Hargaysa(SM)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa soo dhaweeyey go’aanka Golaha Guurtidu ku xalliyeen khilaafkii hadheeyey mudanayaasha Golaha Wakiillada Somaliland.

cirro-iyo-madaxtooyada4Madaxweyne Siilaanyo oo qasriga madaxtooda kulan kula yeeshay labada dhinac ee khilaafka wakiilladu u dhexeeyey oo shirguddoonka goluhu ka mid yihiin iyo ergada guurtida ah ee xallisay khilaafkaas maanta, waxa uu Golaha Guurtida uga mahadceliyey qaabka lagu wada qancay ee ay u dhameeyey murankii ka taagnaa Golaha Wakiillada, isagoo xusay inuu arrintaas aad ugu faraxsan yahay, soona dhawaynayo. Waxa kale oo madaxweyne Siilaanyo sheegay inuu madaxweyne ahaan mar walba diyaar u yahay ka midho-dhallinta wixii danta ummadda iyo ta qaranka Somaliland ku jirto, isagoo golayaasha qaranka ugu baaqay in laga wada shaqeeyo horumarka iyo maslaxada guud ee Somaliland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Labada Guddoomiye-ku-xigeen – Md. Baashe Maxamed Faarax iyo Dr. Cali Yuusuf, ayaa iyaguna madaxweynaha hortiisa ka sheegay inay ku qanceen go’aanka lagu xalliyey khilaafkii muddada ka taagnaa Golaha Wakiillada, waxayna madaxweyne Siilaanyo la socodsiiyeen in hadda khilaafkaasi dhammaaday, arrintaasoo guud ahaan shacbiga reer Somaliland aad uga farxisay.

Kulanka dhexmaray madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha shirguddoonka Golaha Wakiillada, waxa goob-joog ahaa Guddoomiye-ku-xigeennada Golaha Guurtida iyo Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi-waraabe) oo ka shaqeeyey xallinta khilaafkaas.

Waxa kale oo kulanka goob-joog ka ahaa Guddoomiyaha xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi iyo xubno ka mid ah wasiirrada xukuumadda.

Salaanmedia/Hargaysa