MADAXWEYNE SIILAANYO OO MAANTA XADHIGA KA JARAY DHISMAHA CUSUB EE WASAARADDA CIYAARAHA SIDA OO KALENA WAXA UU XADHIGA KA JARAY SANDUUQA HORUMARINTA DHALIYARADA SOMALILAND,

image

Hargeysa:(SM)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu maanta hawlo shaqo ugu baxay meelo ka mid ah caasimada Hargeysa isaga oo lug kuna soo maray Wadooyinka Caasimada ee Dhismaha dib u habayntu ka socdo kuwaas oo beryahanba ay ku hawlanaayeen Dawlada Hoose Caasimadu, oo wada qurxinta iyo bilicda wadooyinka caasimada Somaliland, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray Sanduuqa horumarinta dhaliyarada Somaliland, isaga oo madaxweynuhu sanduuqaasi ugu deeqay kuna Riday100,000 oo Dollar.

 

Madaxweynaha oo Oofinaaya balanqaadyadii dhalinyarada kuna hawlan horumarinta iyo dhiirigelinta da’a-yarta Somaliland ayaa waxa uu ugu deeqay dhulkii laga dhisi lahaa Dhisme Xafiisyo u noqon-doona Dalada Dhalinyarada Somaliland ee loo yaqaan SONYO taasi oo madaxweynuhu u asteeyay in laga dhiso Rugtii hore ee wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaruhu ay ku jiri-jirtay oo Madaxweynuhu uu isla maantaba dhagax-dhigay, dhalinyarada Sonyo inay ka hirgeliso dhisme ay ugu shaqeeyaan da’yarta Somaliland.

 

Sidoo kale madaxweynaha oo ku guda jira hawlihii shaqo ee uu ku soo kormeerayey adeegyada xukuumadu ugu talo gashay inay ku horumariso wadanka ayaa waxa uu booqasho ku tegay Xarunta Wasaaradda Hawlaha guud iyo Guryeynta oo uu ku boqday Qalabkii shalay soo gaadhay Caasimada ee loogu talo galay Wadada Ceerigaabo ee madaxweynuhu hore u balan qaaday una dhagax dhigay.

 

Madaxweynaha ayaa ujeedada kormeerkiisani ay tahay mid uu ugu kuurgelaayo xaaladaha xorumarineed ee dalku ku sugan yahay iyo halka ay wax marayaan oo uu madaxweynuhu sidii hore u caadada ahayd uu dhawrkii biloodba mar si kedisa ku boqdo meelaha uu u doortay inay u baahan tahay dardar gelin iyo dhiiri-gelinta hawlaha qaranka waxaanu madaxweynuhu u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka geysatay keenida iyo hirgelinta hamigisii ahaa in wadada ceerigaabo uu noqoto mid ka hana qaada Somaliland oo aan loo kala hadhin Shicib iyo dawladba.

 

Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu ku soo noqday Qasriga madaxtooyada .

Salaanmedia/Hargaysa