Madaxweyne Soomaaliya,Xasan Sheekh Oo Xilkii Ka Qaaday Gudoomiyahii Gobolka Banaadir Tarzan Una Magacaabay Gudoomiye Cusub

Feb 27, 2014 Muqdisho(SM) – Digreeto ka soo baxday Madaxtooyada Qaranka ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho,

1

Digreetadan maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu magacaabay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Sareeyo Guuto Xasan Maxamed Xuseen Muungaab.

Digreetadan ayaa timid markii uu Madaxweynuhu dhageystay Talooyinka Ra’iisul wasaaraha iyo Wasiirka arrimaha gudaha.

Markii uu ogaaday in ay jirto baahida loo qabo in loo magacaabo guddoomiye cusub ee gobolka.

Markii uu tixgeliyay waaya aragnimada uu mudanuhu u leeyahay maamulka, garsoorka iyo nabadgelyada.

Mnagacaabista guddoomiyaha gobolka ee Digreetadan lagu macaabay ayaa u qornayd sida tan, Waxaa loo magacaabay Xasan Maxamed Xuseen Muungaab guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho.

Sidoo kale Digreetadan ayaa lagu yiri, waxaa xilkii gudoomiyaha gobolka ahna duqa magaalada Muqdisho laga qaaday Mudane Maxamuud Axmed Nuur Tarsan.

Waxaa waajib ku ah hay,adaha kala ah ciidanka booliska, qeybta gobolka benaadir, iyo Hay’adda Nabadsugidda Qeybta Gobolka benaadir ay si toos ah ula shaqeeyaan guddoomiyaha gobolka Benaadir.,

Waxa uu xeerkan Madaxweynaha dhaqan galiyaa islamarkaana uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya saxiixo waxaana lagu soo daabici doonaa faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Salaanmedia/ Muqdisho