Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta sheegay in la gaadhay waqtigii burburka ee Al Shabaab (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminaayo, ayaa waxay maanta soo gaareen Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa, ayaa toddobaadkii ugu dambeeyay ku sugnaa dalka Turkiga, iyadoo ay kulamo kula qaateen Madaxda dalkaasi, oo ay ka wada hadleen arrimo badan.

Madaxweynaha oo Saxaafada kula hadlay Garoonka Aadan Cadde, ayaa waxa uu marka hore ka waramay xaaladiisa caafimaadeed, wuxuuna sheegay in uu aad u wanaagsan yahay.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa wuxuu soo hadalqaaday gulufyada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab, ee xilligaan ka soconaaya Gobolada Koonfurta iyo Bartamaha ee Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in la gaaray waqtigii burburka ee Ururka Al Shabaab, iyadoo uu sheegay in Dowladdu ay ka go’an tahay in meesha laga saaro Ururka mayalka adag ee Al Shabaab.

Madaxweynaha waxa uu Shabaabku ku eedeeyay in ay ka soo horjeesteen in ay nabdda qaataan, laakiin loo baahday in hubka la qaato oo lala dagaalamo.

Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa billaha soo socda sheegay in ay noqon doonaan kuwii lagu wiiqi lahaa Ururka Al Shabaab, loogana wada saari lahaa gebi ahaanba dalka oo idil.