Madexweyne Ku xigeenka Zeilici aamuska ayuu ku fiicanyey by Abdi Mustafe

MAQAAL
Zeilici Aamuskuu ku fiicnaa.
(Alla doori afka waa yaqaan waana ka agnaane)
Zeilici oo ah nin aan cidi wax weydiin oon dalku meel uu marayaba la socon oo loo dhiibay maqas la yidhi kolba meel xadhiga kaga jar ama dhagax dhig oo weligiiba aamusnaa ayaa maanta afka kala qaadey oo u dhaqmay sidii xildhibaanada golaha oo A/rhaman Ciro ku eedeeyey in uu dhoosha ka qoslaayey markii labada gudoomiye ku xigeen hoos loogu dhigey in 42 xilka lagaga qaadi karo.
Zeilici oo Wasiirka madaxtooyadu beri hore madaxa ka jaray oo kolba sida dumarka duda oo Dubai taga ayaa iminka waxa la bilaabay in gurigiisa shirar dalka khalkhal lagu gelinayo lagu qabto….intaas ayuu u qaatey in hawl loo dhiibey dabeed waa kaa danaaniyey ee hadalka booshaaqaya ileyn nin siyaasi ah maaha ee waa nin Silaanyo u soo kaxeystey si aannu uula murmin e. Intaa waxa dheer mandanaha dabka uugu jira ee dhawaan Silaanyo cidla kaga dhaqaaqi doono sabab too ah Zeilici nin dad u keeni kara silaanyo maaha nin adag na maaha waxa intaa dheer Xirsi na wuxuu uugu qoran yey buug madow.
Zeilici waxaan odhan lahaa aamus kaagii baa kuu fiicnaa ee mar danbe afka ha furin hadii kalee ceeb uun baad sii korodh saneysaa. Aamuskaagii ku wad ha lagu tuhmo e. May ahayn intaad warbaahinta tagto inaad cagta iska toogato.