Mahamat Saleh Annadif ” AMISOM Oo Kaliya All Shabaab Somalia Kama Saari Karto”

Mahamat Saleh Annadif ” AMISOM Oo Kaliya All Shabaab Somalia Kama Saari Karto”

index

nadafFab 22,2014 Muqdisho(SM)-Mahamat Saleh Annadif Ergeyga Midawga Africa uqabilsan arimaha Soomaaliya ayaa si tiiranyo leh uga waramay weerarkii shalay Shabaabku ku qaadeen Villa Somalia isla markaana baaq u jeediyay shacabka Soomaaliya.
Annadif ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay weerarka iyo khasaarihii ka dhashay waxaanu hoosta ka xariiqay muhiimada doorka shicibka Soomaaliyeed ee nabadeynta Soomalaiya.
“Sidaanu marar badan sheegnay waxtarkayaga iyo quwada AMISOM oo qura ma difaaci karaan Al Shabaab hadii aanan gacan ka helin shacabka Soomaaliya khaasatan Siyaasiyiinta,Culimada iyo madax dhaqameedka”sidaa waxa yiri Mahamat Saleh Annadif.
Ergeyga ayaa eedeeyay in Shabaabku ay bartilmaansadeen Muslimiin salaad jimce isu diyaariyay isla markaana aaney aheyn qaar diin u dagaalamaya.

Salaanmedia/ Muqdisho