Maqaal…AAN DALKEENA DAYMO U YEELANO.

Asalamu calaykum
MAQAAL
 
Indheer garadnimadu waxay keentaa ka hortaga ama ka gaashaamashada dhibaato dhici lahayd, sidaas darteed ayaa marka talo la raadinaayo wax garadka wax loo waydiiyaaa
 
Belaayo madax la qabto ayay leedahay ee dabo la qabto ma laha ayay Somalidu ku maahmaahdaa Carabtuna `Ka hortaga ayaa ka dabataga ka wanaagsan ayay yidhaahdaan` waxaana laga yaabaa in umad kastaba afkeeda laga heli karo xikmadan oo si kale loo yidhi
 
Qofka bin Aadamka ahna siyaabaha uu qaladku uuga dhici karaa way badan tahay, hayeeshee si kastaba ha ku yimaadee qalad waa qalad, wuxuuse gefku sii fool xun yahay marka aanu qofku ogeyn inuu wax kharibay ee uu isla sii quman yahay
 
Dawlada Somaliland maanta talada haysaa dhab ahaan wax badan ayay kharibtay marka dhinaca bulsho weynta guud ama mujtamac ahaan wax loo qiimeeyo, sida musuq maasuqa, qabyaalada, eexda, iyo wixii la mid ah kuwaas oo hada gaadhay meel aynaan labaataneeyo sanadood arag 
 
Sidaas darteed waa xukuumad dib u socod ah oo wixii sula iyo xaaraama cune laga tegay ee aynu sharciga, xeerka iyo qaynuunka ka yeelanay dib inoogu celinaysa.     
 
Dad badan oo aan odhan karo waa meel shishe wax ka arag khibrad dheeraad ahna u leh arimaha ijtimaaciga ah ama sida umad iyo bulsho mustaqbalkeeda wax looga saadaalin karo ayaa hilaadiyey natiijada ka dhalan karta majiiraha ay maanta xukuumada Somaliland hayso, tilmaanta ay qiyaastooda ku bixiyeena maaha mid qurux badan ama ina anfacaysa oo aynu u baahanay in wadankeenu ku danbeeyo (Ayadoo wixii qayb ah ama maqana Boqorka weyn oo qudhi markasta ogyahay)
 
Hadaba, si taas looga gaashaanto waxay talo aqoon yahankaas oo noocyada bulshada oo dhan ka koobani ku bixinayaan in maanta la qaado talaabooyin loo dhan yahay oo dalkeena inuu dib u dhac ku yimaado lagu baajinaayo. 
 
 
Waxaana talooyinkooda ka mid ah in umadu mucaarid iyo muxaafidba ay isu taagto inay ayadu masiirkeeda iyo aayaheeda qorshayso oo aanay cid gaar ah noocay doonaanba ha noqdaanee ku halayn ayadoo markastana la ixtiraamaayo shuruucda dalka u dejisan iyo qanuunka qaranka ee diinta, dhaqanka iyo distoorkaba ku dhisan
 
 
Dhaaxay ina soo martay wax badan oo aynu sahashanay ama aynaan dhug u yeelan hase yeeshee markii danbe cawaaqib xumo aynu ka dhaxalay sida isku darkii 1960 iyo kacaankii Afweyne ee daaquutka ahaa
 
Xadiis baa ahaa `Muuminka god laba jeer lagama wada qaniino` Sidaas darteed qaladkaad shalay gashay inaad maantana ku celisaa waa nacasnimo 
 
Hadaba bulshada Somaliland waxaa laga codsanayaa inay dareenkooda si cad u muujiyaan oo ay ka badheedhaan inay wixii qarankan ka qaldan si sharciga waafaqsan u saxaan ayagoo adeegsanaaya saxaafada, mudahraado salmi ah, suugaanta iyo si alle sidii fariin badbaadineed la isu gaadhsiin lahaa
 
Gaar ahaan arinta ku saabsan faragelinta madaxtooyadu ay golaha wakiilada ku hayso ayaa ah ku tumashada koowaad ee distoorka dalka u dejisan iyo curyaamin lagu hayo in hay`adaha qaranku ay shaqadooda iskood u gutaan
 
Dal meel qudha laga maamulay sidii dukaan nin leeyahay waa asbaabta koowaad ee abuurta keli talisnimo isla markaas burburisa hanaan wanaaga dawladnimo 
 
 
 
Wasalaamu calaykum
Bashe Qulunbe, London