Maraykanka oo gacanta ku dhigay muwaadin Soomaali ah oo inbadan dalka maraykanka laga raadinaayey.

1
Nin Muwaadin Somali ah  oo lagu magacaabo C/naasir Cabdi da’diisana lagu sheegay 27 Sano jir ayaa booliiska Maraykanku Ku xidheen Biriijka Rainbow ee xuduuda Canada Iyo Maraykanka.
Ninkan Soomaaliga ah ayaa waxa uu ku jiraa Liiska 10 Ruux ee sida wayn u doon-doonayaan Boliiska Magaalada Toronto ee dalka Canada.
“Waynu fahansanahay in uu isdhiibo waxaa keentay waxa uu ku jiraa Liiska 10 ka qof ee aan aadka u doondooneyno sidaasi waxaa yidhi Sarkaal ka tirsan Ciidamada Boliiska Magaalada Toronto ee dalka Canada oo lagu magacaabo Andrew.
Andrew ayaa sheegay in Ninkaasi ay si wayn u doon doonayeen uu qoyskiisa dagan yihiin magaalada Toronto ee  dalka Canada.
Ninkan ayaa loo heystaa dambiyo la xadhiidha Kufsi iyo falal amniga lidi ku ah oo uu ka gaystay gudaha dalka Canada.
Wasaarada arimaha Gudaha iyo Amniga dalka Maraykanka ayaa sheegtay in muwaadinka Soomaaliga ah hadii lagu helo dambiyada lagu soo oogo dib loogu soo masaafurin doono dalkiisa Hooyo ee Soomaaliya.
Ninkani dambiga loo haysto ayaa haysta kaliya warqado degaanashaha ee Dalka Maraykanka.
Salaanmedia/Canada