Mareykanka oo markale uga digay muwaadiniintiisa inaysan Soomaaliya usafrin

image

Dowladda Mareykanka, ayaa ku celisay markale digniin ku aadan in muwaadiniinta dalkaasi udhashay aysan usafrin dalka Soomaaliya, maadaama Mareykanka xaalada ammaan ee Soomaaliya uu ku tilmaamay mid qatar badan.

War kasoo baxay Wasaarada amuuraha dibada Dowladda Mareykanka, ayaa lagu sheegay digniintaasi, waxaana loo sheegay muwaadiniinta Ameerikaanka ah inaysan Soomaaliya aadi karin.

June 21, 2013 ayeey aheyd markii Mareykanka uu soo saaray digniin midaan lamid ah, waxaana uu iminka ku celiyay digniintii hore oo kale, maadaama Qatar dhanka ammaanka ah inay ka jirto Soomaaliya uu ku tilmaamay Mareykanka.

Mareykanka ayaa sheegay wali ay jiraan afduubyo, qaraxyo, dilal iyo weeraro mararka qaarkii dhaca, waxaana uu digniintaasi u jeediyay muwaadiniintiiisa iyo kuwa kale ee ajaaniibta ah.

Inkastoo qeybo kamid ah Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay gacanta ku heyso dowlada Soomaaliya iyo ciidamada taageeraya ee Amisom ayaa haddana la sheegay in Al-Shabaab ay leeyihiin awood ay halkaasi weerarada kaga geysan karaan.

Hadalka kasoo baxay Dowladda Mareykanka wuxuu niyad jab weyn ku yahay Dowladda Soomaaliya oo laamaheeda ammaanka ay sheegayaan in amniga Soomaaliya uu wax badan iska bedelay.

Todobaadkii aan soo dhaafnay labo habeen oo isxig-xiga waxaa ka dhacay Magaalada Muqdisho weeraro madaafiic ah, taasi oo lagu qal-qalgeliyay ammaanka Magaalada Muqdisho, xilli Dowladda iyo ciidanka Amisom ay gacanta ku hayaan Muqdisho.

Salaanmedia/Mogdisho