Markab dagaal oo ku soo dhawaaday Xeebta Baraawe, Shabaab oo madaafiic ku ganay & xaalada Baraawe oo kacsan

image

Wararka laga helaayo Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay sheegayaan in gelinkii dambe ee maanta uu markab dagaal ku soo dhawaaday Xeebta Degmada Baraawe.

Maamulka Ururka Al Shabaab ee ka arrimiya Degmada Baraawe, ayaa dareen baqdin leh ka muujiyay markabka ku soo dhawaaday Xeebta, waxayna taasi dhalisay in ay hubka cul culus ku garaacaan.

Markabkaan oo aan wax jawaab ah ka bixin duqeymihii kaga imaanaayay dhinaca Ururka Al Shabaab, ayaa waxaa la soo wariyay in uu dib ugu laabtay Badweynta Hindiya.

Ciidan fara badan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa gaaray Xarunta Degmada Baraawe, waxaana la soo sheegayaa in caawa lagu arkaayo qaybaha Baraawe.

Dhinaca kale shacabka ku dhaqan Degmada Baraawe, ayaa waxay ka wal-walsan yihiin in markabka dagaal uu soo rogaal celiyo, duqeymana uu ka geysto Degmadaasi.

Dadka reer Baraawe, ayaa waxaad arkeysaa in ay si baqdin leh ugu hadlayaan teleefanadooda gacanta, waxayna intoodu badan ka walaacsan yihiin in codadkoodu la dhageysto, haddii ay si xoriyad leh u hadli lahaayeen.

Markabka gelinkii dambe ee maanta ku soo dhawaaday Baraawe, ayaa waxa uu ku soo aadayaa, xilli ay soconayaan qorshayaal la doonaayo in Ururka Al Shabaab looga saaro Magaalo Xeebeedka Baraawe.

Salaanmedia/Mogdisho