Maslaxada Kulmiye iyo Shuruucda dalka midkee Miisaan culus?Faallo Saleban Kalshaalle

2maqqal maqaalada

 

Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa Habeenkii Axadda lagu dhawaaqay go’aamo lagu xaliyay Khilaaf muddo soo jiitamayay oo dhinacyo kala duwan salka ku hayay, kaasoo ay dhinacyada uu ka dhexeeyay soo dhaweeyeen 10 qodob oo Guddi dhexdhexaadin loogu saaray muranka Xisbigu soo jeediyeen. go’aamadda ayaa lagaga dhawaaqay Aqalka Madaxtooyada Xili Madaxda dalka ugu saraysaa goob-joog ka ahayd.

Tobanka qodob ee Khilaafka Xisbiga lagu soo af-jaray waxa ka midda inaan Guddoomiyaha Xisbiga , afartiisa ku-xigeen iyo Xoghayaha Guud ee Xisbiga lagula tartami doonin Jagooyinka ay hada hayaan iyo in Wasiirka Maaliyadda oo ka mida xubnaha loolanka ugu jiray u tartamida hogaanka Xisbiga lagu daro Guddida Fulinta.

Siddeeda qodob ee kale ayaa khuseeya hawlaha farsamo ee xisbiga iyo qabashada shirweynaha, balse labadan qodob ayaa ilaa hada mari la’ Dhuunta dadka daneeya siyaasadda ku dhisan hanaanka Asxaabta badan iyo Dimuquraadiyadda oo ay ku jiraan dawladdaha Somaliland ka taageera kobcinta Nidaamka Dawladnimo ee Dimuquraadiga ah.kulmiyeff

Labada qodob ayaa si cad uga hor-imanaya Xeerka Ururrada SIyaasadda iyo ansixinta Asxaabta Qaranka (Xeer Lr14/2011), Dastuurka waddanka iyo Xeer hoosaadka Xisbiga intaba.
Waxaana lagu yidhi sidan:

4- Iyada oo la dhawrayo wada jirka xisbiga waxay gudidu go’aamisay in dhammaan xubnaha hogaanka oo kala ah gudoomiyaha, afartiisa kuxigeen iyo xogahaya guud sidooda loo daayo oo aan cidi kula tartamin isla markaana shirweynaha dib loogu soo doorto si loo mariyo sharciyada

5. In Cabdicasiis Maxamed Samaale uu ka mid noqdo gudida fulinta ee xisbiga.
Ka sekow aragtiyaha Sharci ee laga bixinayo Go’aamadan ayaa muujinaya laba qodob oo kale Xaasaasiyad aan laysku waafaqsanayn xambaarsan, kuwaasoo kala ah in Madaxweyne Siilaanyo mar kale ku soo laabanayo Musharaxnimada Madaxweynaha ee Xisbigaas iyo in hunguraynta hogaanka ee Kursigaasi bedel looga dhigayo in xilalka loo ansixiyo.

Laakiinse arrinta ah inaan hogaanka Xisbiga lagu tartamin ayaa si cad u dhaawacaysa hanaanka Dimuquraadiyadda iyo geedi socodka Hanaanka Asxaabta Siyaasadda oo markii labaad lagu guulaystay in dalku yeesho saddex Xisbi oo hogaaminta iyo siyaasadda dalka ku tartama muddo toban sanadood ku siman,ilaa dib laga furay Ururadda Siyaasadda.
Sida uu dhigayaan qodobka 2-aad ee Xeerka Ururrada Siyaasadda iyo ansixinta Asxaabta Qaranka Somaliland farqadihiisa 1 ilaa 3-aad iyo qodobka 25 ee isla xeerkan farqadiisa 1aad , kaasoo si cad u xaaraantimaynaya talaabo kasta oo lagu shiiqinayo jritaanka hanaanka Dimuquraadiga ah, si waafaqsan Dastuurka waddanka.
Qodobka ee Xeerka ayaa dhigaya sidan “Qodobka 2-aad”
1) Xisbiyada/Ururadu waa in ay u hoggaansanaadaan Dastuurka, Xeerarka dalka iyo hanaanka Dimoqraadiyadda, waana in aanu wax u dhimaynin midnimada dalka, dhammaanshaha dhul ahaaneed ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo nabadgelyada guud;

2) Xisbiyada/Ururadu waa in ay ka qayb-qaataan in ay taageerayaashooda baraan tartanka doorashooyinka iyo Dimoqraadiyadda waana in ay tix-gelin dheeraad ah siiyaan Haweenka iyo dhalinyarada.

3) Xisbiyada/Ururadu waa in aanay ku salaysnayn Qabiil, lab ama dheddig keliya, ama nooc kale oo kasta oo Bulshada kala faquuqaaya.

Qodobka 25 aad ee xeerka farqadiisa 1aad, ayaa isaguna odhanaya “Xisbiyada Qaranka ee Doorashada ku guulaystaa waa in ay ku dhaqmaan maa-mul wanaag iyo dimuquraaduayad dhexdooda ah, waana in awooda loo siman yahay. Talada xisbigana waa in mar kasta lagu go’aan qaataa qaabka uu dhigaayo xeer hoosaadka.

Geesta kale Guddida Diwaan-gelinta Ururrada iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka oo tan iyo markii Khilaafka Xisbiga Kulmiye bilaamay ka war-wareegayay inay wax talaabo ah ka qaadaan, si la mida asxaabta kale ee ay hore faro gelinta ugu sameeyeen, ayaan ilaa hada mawqif iska taagin sharci ku tumashada Xisbiga talada haya.
Guddida ayaa awood u leh ku ilaalinta Asxaabta ee xeerka sida uu dhigato Qodobka 25-aad ee Xeerka farqadiisa 7-aad oo odhanaysa sidan:

“7-Gudidda diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Ansixinta Xisbiyada Qaranka ayaa xisbiyada dhexdooda ku ilaalinaya Dimuqraadiyada, iyagoo war bixintooda u soo gudbinaya Golaha Wakiiladda marka loo baahdo.

Inkasta oo aan la dafiri Karin jebinta qawaaniinta Asxaabta ee Xisbigu ku kacay, hadana Maxamed Kaahin Axmed oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga ayaa arrintan ku micneeyay Maslaxad siyaasi ah oo xisbigu gaadhay, si aanu muranku u sii daba dheeraan.
“Sidani waa heshiis la gaadhay oo dan la mooday, waana dimuquraadiyadda Xisbiga Kulmiye leeyahay”ayuu yidhi Maxamed Kaahin oo BBC-da la hadlay.
waxaanu intaasi ku daray isagoo difaacaya Doodda Lidiga ku ah go’aamada Xisbiga “Asxaabta waa lagu tartami jiray, laakiinse xisbiyadda marka shirweynaha la tegayo waxa la diyaariyaa aragtiyaha”.

Geesta kale, dadka u dhuunta daloola arrimaha Xisbiga ayaa aaminsan inaan go’aamada la soo saaray wax badan ka tari doonin yooyootanka sharci jebinta looga daawo doonay, halka qaarkood ka walaacsanyihiin dariiqa khaldan ee ay Xisbiyadda u horseedayso arrintu.
“horta meesha Khilaaf la xaliyay ma jiro ee waa la suuliyay (Suxin), arrintanina waxay dhaawac weyn ku tahay Sharciyadda Asxaabta Qaranka iyo dimuquraadiyadda, waa Afgabi cad oo lagu sameeyay hufnaantii siyaasadda”sidaasi waxa yidhi falanqeeye Siyaasi ah oo Gobanimonews la hadlay.

Geesta kale Axmed Maxamed Ismaaciil oo ka mida dadka arrimaha siyaasada ku foogan, ayaa Gobanimo u sheegay in go’aaminta natiijooyinka noocan ahi si cad u muujinayso digteytarnimo siyaasaddeed oo hogaanka dalku u badheedhay, isagoo ku talinta talaabadan wax ka saaray Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo u weel banaysanaya siduu talada dalka mar kale isugu soo taagi lahaa.

Inta badan hadal haynta sheekada ku saabsan xisbiga kulmiye ee goobaha lagu kulmo ayaa laga dareemayaa in go’aamada Xisbigu gaadhay nusqaan ku keenayaan shuruucda dalka, maslax waartana aanay u noqonayn horumarka laga dhaxlo.

Dhinaca kale, inkasta oo ay Hay’adda Qaranka u xilsaaran ku ilaalinta Xisbiyadda Qaranka xeerarku hore iyo haatanba ka gaabisay inay ka qabato gefefka Sharci ee Xisbigu galay, sababo dhanka siyaasadda ah awgeed sida loo aanaynayo. hadana hadii dhanka Sharciga laga eego Xisbiga Kulmiye waxa uu qabanaya Ganaax lacageed, kaasoo lagu dabaqayo qodobka 21-aad ee xeerka Asxaabta Qaranka.

Qodobka 21-aad ayaa dhigaya in Xisbiga ku Xad-gudba Xeer LR 14 lagu soo rogayo Sodon Milyan Shilinka Somaliland ah oo Ganaaxa.

“Gudiddu waxa ay ganaax lacageed oo dhan Sodon milyan oo shillinka Somaliland ah (30,000,000 SL/Sh) ku soo rogayaa Xisbiga/Ururka ku xad-gudba Xeerkan”.
Hase ahaatee waxay dadweynaha Reer Somaliland isweydiinayaan suurto-galnimada talabadan oo ah mid aanay geesimaddeeda lahayn Komishanka hawshan u xilsaaran.

Si kastaba ah ahaatee Xad-gudubka Xisbiga Kulmiye ka galay Shuruucda dalka oo ay dacwad ahaan iyo dareen ahaanba la wadaagto Xukuumaddu, ayaa qayb ka noqonaya gol-daloolooyin Maamul iyo hogaamin xumaan waddanka dhaxalsiin doonta kala dambeyn la’aan haddii aan laga hortegin.

By: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)
Hargeysa/ Somaliland
Email: editor@gobanimonews.com