Maxaa Kalifay In Siyaasiyiinta Qaar Ay Wakhti Aad U Kooban Isu Rog-Rogaan Oo Marba Dhinac U Guuraan Muxaafid Iyo Mucaaridba? Dalmar C/Laahi Diriye

 

Maxaa Kalifay In Siyaasiyiinta Qaar Ay Wakhti Aad U Kooban Isu Rog-Rogaan Oo Marba Dhinac U Guuraan Muxaafid Iyo Mucaaridba? Dalmar C/Laahi Diriye

Bismilaahi Raxmaani Raxiim.
Maxaa ka lifay in siyaasiga mucaaridka ah hadii xil xukuumada joogtaayi u magacawdo uu si degdeg ah oo bilaa shuruud ah u aqbalo xilkaa, isla markaana saaxiibadii uu hore uga tirsanaa weerar ku qaado?
Maxaa kalifay in siyaasiyiinta qaar ay wakhti aad u kooban isu rog-rogaan oo marba dhinac u guuraan muxaafid iyo mucaaridba? Maxaa kalifay in siyaasigii ay shalay weerarayeen maanta difaacaan, ama kay maanta difaacayaan beri weeraraan?
Dhamaan akhristayaasha Baaqan marka hore Salaamucalaykum Wa Raxmatulaahi Wa Barakaatu, salaantaa kadib, Waa su’aal ee Waa Kuma Siyaasi???
Siyaasi waa shakhsi leh siyaasad cad oo qeexan, aragti iyo mabaaadi’ ka turjumaysa siyaasad uu aaminsanyey inuu dal ku hago horumarna ku gaadhsiinkaro umad. Siyaasi waa shakhsi ku xusha
xubnihiisa iyo taageerayaashiisaba aragti, mabaadii iyo siyaasad xisbi aaminsanyey oo uu ku shaqeeyo. Mabda iyo aragtiyi maaha wax is badbadala habeen iyo maalin, bil iyo laba ee waa siyaasad waarta oo xasilan kana fog guur guur, warwareeg iyo is dabamar. Aragti iyo mabaaadi’ waxay u baahanyihin in ugu yaraan shan sanadood wax ka badan lagu bedeli karo, wax lagu darikaro amaba wax laga dhimi karo,  hadiise maalin, todobaad, ama bil gudihii wax lagu daro oo wax laga dhimo amaba laga bedelo lama odhankaro waa siyaasad ku salaysan mabaadii’ iyo afkaar ee waa siyaasada layidhaahdo ‘waxay leeday dano joogta ah ee malaha saaxiib joogta ah’!!!
Waxaa cad in siyaasiga xisbi ku taageera siyaasad iyo aragti uu aaminsanyey aanu marnaba si fudud uga bixin xisbigaa, mucaaridna ku noqon xisbi uu shalay ka midka ahaa, balse haduu xisbiga ku raacay nin jecleysi, qabiil ama dano shakhsi oo kale inuu si degdeg ah uga diga rogan karo haduu ka waayo danihii uu ka lahaa xisbigaa.
Hadaba bal aynu is yara dultaagno Golayaasha Qaranka Somaliland, maalmihii inasoo dhaafay waxa golaha Wakiilada Somaliland ka dhex aloosnaa duufaano iyo mawjado siyaasadeed oo aad u sareeya, ilaa maantana aan sal dhigan ee sidee wax yihiin? waxaynu ognahay uguyaraan mudo sadex sanadood ah waa intii xukuumada Kulmiye uu Gadhwadeenka ka yahay Mudane Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo in Golaha Wakiilada lagu eedaynayey  inuu gacansaar toos ah la leeyay xukuumada Somaliland balse ay gebi ahaanba isku milmeen labadii Gole, arintaa oo lagu baahiyey dhamaanba war baahiyeyaasha Somaliland, waxaynu ognahay in masuuliinta ugu saraysa Golaha Wakiilada ahna masuuliinta Xisbiga Wadani shalay lagu eedeynayey waxay gacansaar la leeyihiin masuuliinta ugu saraysa Xukuumada Somaliland. Eedaymahaaso dhan hadii Golaha Wakiiladu wax ka qabtay wax kabadalna sameeyey Xukuumadana u cadeeyey in Golaha Wakiiladu ka madax banaanyey Golaha Xukuumada bal hadana side wax yihiin? Mise waxaynu odhankaraa masuuliinta Golaha Xukuumadu muraadkii ay ka lahaayen Golaha wakiilada way gaadheen sida wasiir ka mid ah wasiirada xukuumadu horeba u cadeeyey inuu tiraba 40 xeer xukuumadu marisay Golaha Wakiilada haatana aanay wax kale uga fadhiyin.
Guntii iyo gunaanadkii waxan leeyey Xukuumadu  sharciga haw soo noqoto golahana faragelinta ha ka dayso, goluhuna hagarto xilkiisa hana kala saaro danaha gaarka ah iyo kuwa guud ee shacabka reer Somaliland u igmaday, Shacabkana mid baan leeyey, shakhsiga muwaadinka ahi awood wuxuu leeyey maalinta codkiisa loo baahdo, maalintaa waa inuu talada iyo aragtidaba rogrogaa oo meel fog wax ka eegaa haduuse taa ka fiirsanwaayo yaanu eersan cidkale, eedana saarin meelo aan looga fadhiyin iyo laaluushbaa laysiiyey ama lakala qaatay ama xildhibaan ahaw ama wasiir ahaw ama shacab ahow.
Wa Bilaahi Tawfiiq..
Dalmar C/laahi Diriye.
Birmingham, UK