Maxaad Ka Taqaan Go’aanadii Shirkii Garadag

Salaan qaali ah oo ku socota hawlwadeenada shabakdan iyo dhamaan reer Somaliland

 MAQAAL
Waxaa in badan dhagaha ummada reer Somaliland ku soo dhacayey shirkii Gardag ee ay beesha madaxweyne Siilaanyo ku qabsadeen magaalada leh magaca shirka ee Garadag oo ku taal gobolka Sanaag ee bariga Somaliland. Shirkaas oo dhacay sanadkii 2006 ayaa ahaa isagu mid saamayn weyn ku leh geedisocoda dimuqraadiyada Somaliland waana halka laga soo bilaabay halganka ay kursiga madaxweynaha ku hanteen. Shirkaas isaga ah waxaa goob joog ka haa dhamaan waxgaradka beesha iyo siyaasiyiinteeda siiba kuwa iyagu in mudo ah iskaga soo horjeeday siyaasada sida madaxweyneha hada xukuma Somaliland Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Goloha Guurtida hada Saleebaan Gaal, labadan siyaasi oo mudo ku soo dhex jiray siyaasada ayaan iyagu ahyen kuwo is ogol shirkan horaantii, waxaana xusid mudan in arrimaha ugu waaweyn ee ka soo baxay shirkaasi ee dadka kale arkayeen waa sawirka ay gacmaha isqaadayeen labadan siyaasi ee colka ahaa, waxaa lagu go’aamiyey shirkaas isaga ah in meel qudha ay beeshu xoogeeda isugu gayso sidii ay nin qudha u soo saari lahaayeen markuu soo baxana ay isla garabtaagaan hiil iyo hooba. Waxaa kaloo iyana xusid mudan madaxweyne Siilaanyo oo shirkaas beeshiisu ay ku qabsatay Garadag in uu ku doorbiday ka qayb galka shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye kaas oo xiligaas ka furnaa magaalada Burco Siilaanyo oo labo jeer ku noqday Garadag mudo kooban gudaheed
Maxay tahay sababta uu madaxweyne Siilaanyo shirkii xisbul qaranka uu u baajiyey si uu uga qayb galo shirbeeleed gaar ah?
Saleebaan Gaal baa isagu mucaaradadii xooganayd ka joojiyey Siilaanyo hadana u muuqda nin taageersan qalad iyo saxba sida aad ka dareemayso dhuumashada  uu dhabarku muuqdo ee uu dalka kaga maqanyahay laakinse uu u joogo khilaafka Kulmiye dhexdiisa ah
Go’aanada qarsoon waxaa ka mid ah;
1. In ay beesha madaxweyne Siilaanyo saamiweyn ku yeelato dhamaan xilalaka sare ee qaranka sida mdaxweyne, golayaasha qaranka sida golaha guurtida oo uu hada ka taliyo Saleebaan Gaal, wasaaradaha ugu cad cad ee wax soo saarka leh sida mdaxtooyada oo uu Xirsi haysto oo budget weyn leh, wasaarada macdanta oo iyana uu wasiir ka yahay wasiir Ducaale oo isla beesha ah ahna wasaarada lacagta badan ka hesha heshiisyada saliida ama macdanta sida Genel Energy oo beesha laga siiyey qaybta libaaxa, dhamaan agaasimayaasha xafiisyada dowlada siiba kuwa bariga, in beesha loo helo deegaamo cusub oo dhulbalaadhsi ah sida kalshaale, magaalada Berbera oo iyana culays baaxad leh la saaray aakhirkiina beesha deegaan laga dhigay hadana ay leeyihiin ku xigeenka maareeyaha dekedda berbera iyo shan xildhibaan oo isxambaar ah oo ay beeshu soo saartay.
2. In dhaqaalaha qaranka beeshu ka hesho saami libaax oo dhamaan qandaraasyada hada waxaa hela beesha madaxweynaha sida dib u habaynta madaarka Cigal oo la siiyey nin beesha ka soo jeeda China Horn, xildhibaan Cali Mareexaan oo isna leh madabacad gaar ah, hayadihi oo badi ay gacanta ku dhigtay beesha madaxweyne Siilaanyo min bari ilaa galbeed
3. In xidhiidh lala yeesho dowlada Somalia si ay beeshu u hesho dhaqaale hor leh arrintan oo uu daaha dabadii ka hagayo Dahabshiil oo isagu raba in la siiyo license uu bangi ama bank kaga furto Somalia, dalbkaas oo sida la sheegayo uu saamayn ku leeyahay wadohadalka Somalia iyo soo dhaweynta fiican ee ay ka helaan madaxda Somalia dowladan Siilaanyo marka la barbar dhigo tii Riyaale dhacdada ugu dambaysay ee qolka VIP’da madaarka Cigaal loogu furay Raiisal Barlamaanka Somalia oo ka mid ah raga ugu neceb Somaliland siiba beesha dhexe ayaa cadaynaysa sida ay wax u jiraan.
La soco qodobada kale ee qarsoon
Allah Weyn Ninkii Aaminaa Awood Leh