Maxkamada ku taalo Mareykanka oo lix sano ku xukuntay Axmed Naasir Maxamuud oo Soomaali ah

image

Maxkamad ku taala dalka Mareykanka, ayaa waxa ay kiis dambi ah ku heshay nin Soomaali ah oo ku noolaa dalkaasi waxaana dambigiisa uu noqday inuu Shabaab la shaqeyn jiray.

Maxkamadan oo ku taala Magaalada San Diego ee dalka Mareykanka ayaa shalay waxa ay lix sano oo xabsi ah ku xukuntay nin Soomaali ah, waxaana magaciisa lagu sheegay ruuxaasi Soomaaliga ah Axmed Naasir Maxamuud.

Wuxuu Shabaab udiri jiray dhaqaalo isaga oo kamid ahaa taageerayaasha Shabaab ee ku nool dalka Mareykanka.

Jeffrey T. Miller oo ah Garsooraha maxkamada San Diego, ayaa cadeeyay in Axmed Naasir lagu helay dambigaana, wuxuuna sheegay inuu kamid yahay dadkii ugu dambeeyay ee lagu helo wadashaqeyn kala dhaxeysa Shabaab.

Axmed Naasir Maxamuud oo ay da’diisu tahay 38 jir wuxuu ahaa Darwal Taxi, waa ninka afaraad ee asalkiisu uu yahay Soomaali ah oo dambi Shabaab la shaqeyn lagu helay.

Dalka Mareykanka ayaa horay waxaa loogu xukumay Soomaali badan oo lagu eedeeyay inay xiriir wada shaqeyn ah lala leeyihiin Ururka Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama, waxaana badankooda kiisaskooda uu noqday inay dhaqaalo udiri jireen Shabaab.

Maxkamadda San Diego ayaa bishii February ee sanadkii 2013 waxay ku xukuntay Basalaay Saciid Macalin 18 sano oo xabsi ah, Maxamed Maxamuud oo ahaa Imaam masjid waxaa lagu xukumay 13 sano oo xabsi ah, iyadoo Ciise Doreh lagu xukumay 10 sano oo xabsi ah kaddib markii lagu caddeeyay inay lacag ay u direen Al-Shabaab.

Salaanmedua/London