Meydka R/wasaarihi Hore Ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen Oo Lagu Tukaday Salaadda Janaasada(Sawirro)

Feb 5, 2014 Hargeysa (SM)- Waxaa maanta Salaadda Janaasada lagu tukaday Allaha u naxariistee Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo todobaadkii hore ku geeriyooday magaalada Minneapolis oo uu mudo dheer deganaa. Salaada janaasada waxay ka dhacday masaajidka weyn ee Abubakar Al-sadiq.

Intii aan salaadda lagu tukan Ra’iisal Wasaaraha waxaa hadlay qoyska marxuumka. Waxay u mahadceliyeen dhamaan shacabka Soomaaliyeed, waxay si gaar ah ugu mahadceliyeen doorka ay dowladda Soomaaliya ka qaadatay qaban qaabada aaska Ra’iisal Wasaaraha. Waxay kaloo u mahadceliyeen madaxda maamulka dowlad goboleedka Puntland.

Maalinta Arbacada 5-ta subaxnimo ayaa diyaarad laga soo saarayaa marxuumka dalka Mareykanka. Wuxuu soo marayaa wadanka Turkiga, halkaas oo ay kula soo wareegi doonaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya. Wuxuu Muqdisho ku soo aadan yahay maalinta Jimcaha.

Waxaa marxuumka Minneapolis ka soo raacaya Prof. Abdi Samatar oo ay ahaayeen saaxiib gaar ah iyo qaar ka mid ah qoyska Ra’iisal Wasaaraha. Magaalada Muqdisho waxaa ka socda diyaar garow aas qaran ah.

Ra’iisal Wasaaraha waxaa lagu dhinac aasayaa saaxiibkiis madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aden Abdulle Cismaan (Aden Cade). Markii ay wada noolaayeen waxay ahaayeen labo nin oo isku dhaw oo saaxiibo ah.

IMG_4256_zpsfc73a3cf

IMG_4229_zps504d12a5

IMG_4193_zpse1f5c4d6

IMG_4158_zps575d6f2e

IMG_4137_zps4d822619

IMG_4118_zps449876dd (1)

IMG_4118_zps449876dd

 
Â