Mid kamid ah Wariyaasha Soomaaliyeed oo ku dhaawacmay Weerarkii maanta lagu qaaday Madaxtooyad(Daawo Sawirada)

Mid kamid ah Wariyaasha ka howlgala Idaacadaha Magaalada Muqdisho ayaa ku dhaawacmay weeraro ismiidaamin ah iyo israsaaseyn toos ah oo maanta ka dhacday afaafka hore Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Wariyaha Dhaawacmay ayaa ka howl gali jiray Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho waxaana lagu magacabaa Axmed Siciid Axmed , Wariyaha ayaa ku dhaawacmay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay agagaarka Madaxtooyada.

Wariyaal katirsan Idaacada Kulmiye ayaa ku waramay in wariyaha uu dhaawcyo kasoo gaadhay qeybo badan oo jirkiisa kamid ah iminkana lagu daweenayo Isbitaalka Daaru Shifaa ee kuyaala Magaalada Muqdisho.

Salaanmedia/Moqdisho



 

 

    Â