Mooshinkii CAANAHA RIYAHA iyo halkii uu ku dambeeyay.

Mooshinkii CAANAHA RIYAHA iyo halkii uu ku dambeeyay.

unnamed

Marka hore Allaa mahad dhamaanteed iska leh oo xaqa u hiiliyay.

Marka labaad waxaan ugu hambalyaynayaa shacabka reer Somaliland guusha usoo hoyatay baarlamaankii aynu dooranay ee madax banaanidooda xukuumadu soo fara gelisay.

Waxa kaloo aan hambalyo iyo salaam u dirayaa Xildhibaanadii difaacay, karaamada Baarlamaanka iyo karaamadii qaranimada Somaliland ee hoosta ka xariiqay inaan xildhibaanada baarlamaanku ahayn sida dadka qaar u malaynayeen qaar dhamaantoodba la iibsan karo.

Xiladhibaanadii la mawqifka ahaa Gudoomiye Ciro, ee difaacayay madaxbanaanida iyo karaamada baarlamaanka  ayaa ah kuwa sharafta iyo guusha u soo hoytay baarlamaanka JSL soo hooyay. May ahayn guul sahal lagu gaadhay. Xildhibaanadan geesiyada ahi waxay ka adkaysteen oo gaashaanka u daruureen xaalad aad u murugtay oo anaanuf, aduun badan, ehelnimo iyo awood siyaasadeed intaba la isu sheegtay oo aan waxba la isula hadhin. Xildhibaanadan qaaliga ahi waxay soo bandhigeen geesinimo iyo adkaysi, dhamaanba duufaanadii noocba nooca ahaa ee lagu kiciyay iyo wixii durbaano iyo daasado madhan lagu tumayna  way dhaqaajin waayeen.

Inkastoo aanay xildhibaanadan sharafta badani kala dhacayn rag iyo dumarba hadana Waxaan si gaara u Xusayaa Geesiyadii ka dhexmuuqday ololihii badbaadinta sharafta baarlamaanka iyo resistance- kii iyo iska caabintii Mooshinkii Caanaha riyaha, waa; Xildhibaan  Siciid Cilmi Rooble, xildhibaan Rayte, Xildhibaan Awxoog, Xildhibaan Tukaale iyo  Xildhibaan  M Buubaa oo aan odhan karo waxay aheeyn geesiyadii siidhiga u hayahy abaabulka badbaadinta sharafta baarlamaanka.

Waxa kaloo aan aad iyo aad u salaamayaa oo ugu hambalyaynayaa kaalintii miisaanka lahayd ee ay ka qaateen badbaadinta madaxbanaanida baarlamaanka dadweynaha sharafta leh ee ku kala nool lixda gobol ee Somaliland, gaar ahaan Burco, berbera , ceerigaabo, gebilay, boorame iyo oodweyne oo ay kaalinta kowaad iyo labaad kala ahayeen ceerigaabo iyo Berbera oo meel adag iska taagay faragelintii qaawanayd ee xukuumadu ku haysay baarlamaanka. Waa shacab xariira oo indheer garada oo geesi a, Aad ayaa ugu mahadsantihiin inaad is barbar taagteen xaqiijinta madax banaanida baarlamaanka.

Waxa kaloo aan salaam iyo hambalyo u dirayaa Aqoonyahankii, siyaasiyiintii, mujaahidiintii, haweenkii iyo dhalinyaradii (gudaha dalka iyo debediisaba) sida cad uga horyimi faro gelintii iyo isku daygii ay xukuumadu ku rabtay inay la wareegto awooda baarlamaanka. Waxa aan sigaara u xusayaa Mujaahid Ibraahim Dhega weyne iyo Muj Boobe Yusuf Ducaale oo si aan gabasho  lahayn isu hortaagay in xukuumadu fara geliso baarlamaanka. Aad ayaad u mahadsantihiin.

Waxa kaloo aan hambalyo iyo salaam u dirayaa Xubnihii iyo taageerayaashii xisbiga wadani ee gudaha iyo debedaba taageerada la barbar taagnaa  Golaha baarlamaanka iyo Gudoomiyohooda iyo Xildhibaanadii ku xeernaaba.

Waxa aan ku soo geba gebaynayaa oo aan salaam qaaliya iyo hambalyo u dirayaa xubnihii Golaha guurtida ee uu calanka u siday Xildhibaan Xaaji cabdi Xuseen ( Cabdi Waraabe) oo Alle ku galaday in ay gacantooda ku xaliyaan khilaafkii iyo ismari waagii ka taagnaa baarlamaanka oo halis ku ahaa xasiloonida JSL.

 

Alla Mahad leh

 

Mohamed A Issa

Xubin Gudiga arimaha Debedda ee Xisbiga Waddani