Mooshino Iska Soo Horjeeda Oo Golaha Wakiilada Ka Socda+Siilaanyo Iyo Cirro Iyamaa Fudud+Sixirka Xildhibaanada Golaha Wakiiladu Uu Marayo.

107barlamanka

Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa u tafaxaytay,dagaal siyaasiyadeed oo aanu waxba iskula hadhin oo dhexmara iyaga iyo Golaha wakiilada Somaliland, dagaalkaas oo uu hormood u yahay Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka wakiil ah madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa hogaaminaya dagaalka madaxtooyadu ula badheedhay golaha wakiilada Somaliland isagoo adeegsanaya Xildhibaanada Wakiilada ee laga soo shidaaliyo Qasriga Madaxtooyada si ay u qasaan kolba meeshii Madaxtooyadu ku duulayso ama ay qas ka ridayso.

Wasiirka madaxtooyada oo ku gaashaaman awooddii madaxweyne axmed siilaanyo kuna qalabaysan hantidii qaranka ayaa soo diyaariyey mooshin uu damacsanyahay inuu ku rido gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (ciro) in Sabtida soo socota golaha wakiilada la horkeeni doono, mooshinkan Qasriga madaxtooyadu wadato oo nuxurkiisu yahay in marka hore xilka-qaadista Guddoomiyaha wakiilada Cabdiraxmaan Cirro laga dhigo 42 cod, halka xeer-hoosaadka goluhu dhigaayo in Gudoomiyaha xilka lagaga qaadi karo ama lagu ridi karo 55 cod ama saddex meelood laba tirada Xildhibaanada Goluhu ka kooban yahay si ay u fududaato in gudoomiye cirro la ridikaro.

Wasiirka madaxtooyada Xirsi Cali X.Xasan oo dhawr cisho ka hor soo gaabiyey socdaalkiisii uu ku wehelinayey madaxweynaha dalkana kusoo laabtay ayaa waxay ila wareedyadu tilmaameen inuu madaxweyne Axmed Siilaanyo amar kusoo siiyey inuu albaabada u laabo golaha wakiilada oo todobaad ka hor uun aqlabiyad ku ansixiyey xeer hoosaadkoodiisa.

Wasiirka madaxtooyada oo isagu isticmaalaya awoodii madaxweynaha ayaa shirar doceedyo gooni gooniya oo uu la galay xildhibaanada Kulmiye siiba kuwa laga soo shidaaliyo Qasriga madaxtooyada ku qanciyey inay mooshinka madaxtooyadu wadato taageeraan, islamarkaana kama danbayn Maalinta Sabtida golaha soo hordhigaan.

Wararka xogogaalka ahi waxay sheegayaan in wasiirka madaxtooyada Md. Xirsi Cali X. Xasan uu miiska u saaranyahay mooshinka xilka lagaga qaadayo gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland iyo warqadda uu ugu talogalay inay saxeexaan xildhibaanadu markay lacagtooda kaash ku qaataan.

Wasiirka madaxtooyada ayaa sixirka uu u jaray xildhibaanada ku saleeyey beelaha ay kasoo kala jeedaan iyada oo la sheegay in sixirka xildhibaanada beesha madaxweynuhu marayso $3,500 halka sixirka beelaha Boorama, Baligubadle iyo Sool loo gooyey qiimaha $2,000, sidoo kale sixirka xildhibaanada beesha Gudoomiyaha Kulmiye kasoo jeedana loo qoondeeyey $5,000, iyada oo beesha gudoomiye Cirro-na loo qoondeeyey $10,000.

Tu kalena Waxaa ka Go,an Qasriga Madaxtooyada inay Golaha Wakiilada ka dhigaan ama u maamushaan sidii Wasaarad hoos tagta Madaxtooyada, meeshana ka saaraan inuu golaha wakiiladu noqdo gole xilgudashadiisa u madaxbanaan, qaab dimoqraatiyana u guta hawlihiisa, Yeelkeede Wasiirka madaxtooyadu wuxuu nidar ku galay, geed gaaban iyo mid-dheerna u fuulay sidii Mooshinkaas Madaxtooyadu wadato golaha loo jiidhsiin lahaa.

Sidoo kale waxa la saadaalinayaa in haddii madaxtooyadu ku guuldaraysato inay ridaan Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Cirro in mooshinka ku xigayaa noqonayo mid xilka laga xayuubinayo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo lagu soo eedayn doono xilgudasho la’aan.

Isku soo wada duuboo  Madaxtooyada Somaliland oo si weyn ugu masquuulsan  Mooshin iyo wax-ka bedelka xeer-hoosadka golaha wakiilada oo aanay waxba ka khusayn  ayaa baylahisey hawlihii qaranka ee loo igmadey,waxaana maalmaha fooda inagu soo haya ku soo wajahan magaalada Buhoodle iyo degaanada ku xeeranba Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiim xaaji Cumar Camay iyo wefti balaadhan oo uu horkacaayo  oo qasdigoodu yahay inuu maamulka Puntland ku fidiyo degaanadaas,Sool iyo Sanaagna u gacan geliyo Puntland, halka xukumada siilanyo oo dhamina ka dhamaan weyday ama ku mashquulsan tahay Mooshin yar oo golaha wakiilada gudihiisa carqalad lagaga abuuraayo.

Salaanmedia/Hargaysa