Murankii Siyaasadeed,iyo Kii Sharci oo dib Uga Curtay Somalilad iyo Xukuumada Siilaanyo oo Cagta Saartay dhabihii ay Ku Dhaliili Jirtay Maamulkii Rayaale,Iyo Balanta Beri ee Wakiilada.

Murankii Siyaasadeed,iyo Kii Sharci oo dib Uga Curtay Somalilad iyo Xukuumada Siilaanyo oo Cagta Saartay dhabihii ay Ku Dhaliili Jirtay Maamulkii Rayaale,Iyo Balanta Beri ee Wakiilada.

siilaanyo

Hargaysa (SM)- Xukuumada Somaliland ee uu Gadh wadeenka ka Yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa Isku daygii u horeeyay ku damacsan inay Jagada ka Tuuraan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi “Cirro” kadib markii uu Mudooyinkii u danbeeyay u banbaxay Soo bandhigida dhaliilaha iyo Bog jilicda dawlada, Isla markaana kaga Guulaystay Xukuumada hogaaminta golaha Wakiilada.

Qodobada ay dawladu ku Qoonsatay Mudane Cirro ayaa salka ku  haya Isku Shaandhayn uu ku sameeyay Gudi hoosaadyada Golaha Wakiilada Taas oo ay Qaadaceen labadiisa Gudoomiye Xigeen oo ka soo Jeeda Xisbul Xaakimka Kulmiye Iyagoo dacwad arrintan ku aadan u Gudbiyay Maxkamada Sare ee Distooriga ah.

Gudoomiye C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro ayaa Markaas kadib Waxa uu Ciyaaray Kaadh Cusub oo Siyaasadeed Waxaanu dacwadii Maxkamada ku buriyay Go’aan gole kadib markii uu Isku Shaandhayntii ay ka soo hor jeedeen ku Xigeenadiisa iyo Xildhibaano ku Xidhan Madaxtooyadu uu ka Ansixiyay Gole Weynaha.

Talaabada labaad ee Xukuumadu sida Weyn ugu Qoonsatay Gudoomiye  Cirro Waxay tahay Wax ka bedelka Xeer hoosaadka Golaha Wakiilada oo Hogaaminta Golaha u gaar yeelaya Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Sidoo kalena Meesha laga Saaray Magacii Shirgudoon taas oo Awoodii ka riftay labadiisii ku Xigeen.

Waxaa labadii Cisho ee u danbeeyay Suuqyada Siyaasada Hafiyay Mooshino ay Xukuumadu dabada ka riixayso,Si ay u baa’biso Golaha Wakiilada ee ku Yimid Codka Shacabka,Isla markaana dabka u qabadsiiso Muran Siyaasadeed iyo Mid Sharci oo dalka ka aloosma Xiligii uu hogaaminta Qaranka hayay Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin mar ay is qabteen Golaha Wakiilada waxa uu ku talaabsaday inuu albaabada u laabo Golihii Wakiilada oo ah mid ka madax banaan Golaha Fulinta,Nala dhugo Weedhahan “Shacaboow Waad aragtaan Waxa uu Daahir Rayaale ku Samaynayo Golihii Wakiilada ee Codka Dadweynaha Sidiisa oo kale ku Yimid,Waa kaas Qufulka Ku Jebiyay, Waa taas Xildhibaanadii loo diidan yahay inay Xaruntooda galaan, Waa taas Shirgudoonkii oo ah Hab Maamuuskii Qaranka Xafiiskooda Ciidan loo dhigay,Waa taas dadkii Mudaharaadka Salmiga dhigayay Xabada lala dhacayo ee Weliba intii soo hadhay Xabsiyada lagu Gurayo Arrintaas iyada ah anagu diidnay baan leenahay dalku meel xun buu marayaa waa in Shacabku ka dagaalamaa oo iska celiyaa”, Waxaa Shan Sanno ka hor eraydan laga Guntay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo Xiligaas ahaa Gudoomiyihii Xisbiga Kulmiye oo Mucaarid ku ahaa Xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin.

“Sida dawladii hore ma faro galinayno Golayaasha Sharci dejinta wixii ay awood distoori ah u leeyihiin waanu ku xaq dhawraynaa wixii talo ah ee ay noo soo gudbiyaan waanu ka qaadanaynaa waxaan rabaa inuu Xidhiidh Wanaagsani ina dhex maro” Waa Madaxweyne Siilaanyo oo horaantii 2011kii Khudbad Sannadeedkiisii distooriga ahaa ka hor jeedinayay labada gole ee baarlamanka .

Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo oo la Aaminsanaa inay ka faa’iidaysan doonto khibradii ay ka heshay Mudadii dheerayd ee ay Mucaaridka ahaayeen,ayaa laga rajo dhigay Waxa uu Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu Dagaal ku Qaaday Saxaafada Madaxa banaan oo ahayd tii u horseeday Guusha uu Kursiga ku fadhiistay,Waxa uu Xisbiyada Mucaaridka ah ula dhaqmay sifo khariban,Waxa uu Xeerin waayay Go’aamada Hay’adaha Qaran ee ka Madaxa banaan Golaha Fulinta.

Hab dhaqanka Xukuumada iyo erayda Ka Madhan Hab dhaqanka Siyaasadeed ee Xukuumada Somaliland ay kula dhaqmayso Golaha Wakiilada waxaa Madal uu ku Sugnaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo kaga Tiraabay Wasiirkiisa Madaxtooyada Mudane Xirsi Xaaji Cali Xasan oo ku faanay inay si dadban iyo Xeelado gaar ah ku meel marsadeen Xeerar ay  ansixiyeen Golaha Wakiiladu.

“Waxaan Maqmaqlaayey Rag Mucaaradka ka tirsan oo Maalmahan lahlahaa Xukuumadii ayaa lagaga adkaadey Golihii Wakiilada waxaan u sheegayaa kuwaasi sidaas leh in Xukuumadu muddadii ay Talada Wadanka haysay ay 40 Xeer ama issue u gudbisay Golaha Wakiilada mid keli ah oo la hor istaageyna aanu jirin iyo mid lagu soo celiyey toona”

 

Wasiirku isagoo Faan ka dhigaaya sida Goluhu ugu Jajabnaa ama ula shaqaynayeen Xukuumada ayuu intaas kusii darey inay ay is ticmaalayeen afartan kaas jeerba Siyaasad iyo Farsamo ay Golaha kaga Fushanayeen Hawlaha Xukuumada rabtay in Shaabada loogu dhufto.

Wasiir Xirsi waxa uu sii biniixiyay Qorshaha ku Talo gal ee Xukuumadiisu ay ku Wajahayso Mucaaridada kaga furantay Golaha Wakiilada isagoo Yidhi nin Reer Miyi ahaan jirey oo Beeshayda ah oo Riyaha Dhaqda ayaa wuxuu lahaa laba xaas iyo Ciyaal kadibna Maalin maalmaha ka mid ah buu Caano Riyaad ka dhergey markaasuu Xaasaskiisii ku yidhi yaa legdin ii baxaaya? Dabadeedna marba mid buu legdaa Xaasaskiisii iyo Caruurtiisii Maalintii danbe ayuu Magaalada yimi ninkii markaasuu dadkii ku yidhi Yaa Legdin ii baxaaya? Ninbaa usoo baxay markaasuu Beerka kaga fadhiistey, ninkii reer miyiga ahaabaa Sanka Caano Ka Keeney; Markaa waxaan leeyahay Qolyahan Mucaaradka ah Sanka Caano Haka Keenina Markaanu Soo Noqono.

Si kastaba ha ahaatee Waxaa Mar kale ka bilaabmaya Somaliland Murano Sharci iyo Is qabsi ka dhex dhasha Golayaasha Qaranka oo In Mudo ah ay dhegaha Shacabku ka Raysteen.

Salaanmedia/Hargaysa