Musdanbeedka dowladu waa dumar madaxtooyada ku xoonsan by Abdi Mustafe

MAQAAL
Waagii Afweyne meynaan arag nin qudha oo qudbadeeya ama maskaxdiisa hadli kara oo dadka wax u sheegi kara oon ahayn Mohamed Siyaad bare.
Maanta ayey ka sii darantey oo dadkii iyo dalkiiba ma hayaan cid u qudbadeysa
iyo cid wax u sheegta toona. Madaxweynihii la doortey wax uu ku suganyey lama yaqaan. Cidina ma aragto cidina ma maqasho meel uu ka hadlayo. Wasiiraduna isma dhaqaajin karaan oo waa la dhufaanay oo waa kuwaa maalinta wasiirka madaxtooyadu imanayo hal dabala’ madaarka uugu tegaya iyagoo shaqa dooda u baqaya. Wasiir sidaa looga baqo ama loo soo dhaweeyo caalamka laguma arag.
Intaa waxa dheer oo dalku ka dheeliyey kana dhintey musdanbeedka dowladu waa dumar madaxtooyada ku xoonsan.
Midh se wey garan kari waayeen dumarkan habeenkii qasriga madaxtooyada kaga ciyaara heesta Farxiya Fiska ee tidhaa wadnahay dhag lee dhag-dhag in boqor tooyin hore ku jabeen ka war heyn laa’nta xaalka dalku halkuu maraayo oo waxa ka mid ahaa Marie Antoinette boqoradii France ee tidhi hadaan roodhiyi jirin cake ba cuna iyadoo dadku gaajo beerka dhulka ku hayaan. Masiirkii reer boqor ku danbeeyeenna taariikhda qortey.
Waxaan ku soo afjarayaa maqaal kan dalkii wuu inaga burburayaa ee ha la ogaado
oo dowlada ayaa dabada ka riixeysa sidii qas loo gelin lahaa waxayse ka faaiidiiso waan garan aqoon waayey oon ahayn xabad la dhac xamar haw yaacdee.
Baabiinta Somaliland waxay dowladu qorsheysey in golaha wakiilada laga bilaabo si ay dhoqso uugu dunto ee bal mudo gaaban ha loo qabto.