Musharaxa Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen Oo Guulo Waaweyn Ka Soo Hooyay Safar Uu Ku JoogayMagaaladda Burco Iyo Xogo Ku Saabsan.

Musharaxa Xisbiga Ucid Jamaal Cali Xuseen Oo Guulo Waaweyn Ka Soo Hooyay Safar Uu Ku JoogayMagaaladda Burco iyo Xogo Ku Saabsan.

Burco-(SM)- Kulan  balaadhan oo raali galin iyo xaal laga Siinaayay  musharaxa  madaxweyanaha  Xisbiga UCID  Jamaal  Cali  Xuseen, hadal hore uga soo baxay Caaqilka beesha  iyo qaar ka mida siyaasinta ay isku ardaaga  yihiin  musharaxa, ayaa  khamiistii todobaadkii hore  ka dhacday huteel Cigaal  ee magaaladda Burco.

jamaa

Kulankan  oo ahaa mid si weyn loo soo agaasimay oo ka soo qayb galeen , siyaasiin, aqoonyahano, dhalinyaro iyo haldoorka  Beeshaasi oo ka kala yimi degaanadda beesha, ayaa lagu martiqaaday musharaxa madaxweynaha xisbiga UCID Jamaal  Cali Xuseen.

Shirkan  oo saxaafadda  loo ogolayn, ayaa warar xogogaal ahi waxay tibaaxeen inuu ahaa mid ruuga laysku dhigay isla markaana  dood iyo garnaqsi laysku dhaafsaday.

Waxaana gabagabadii shirkaasi la sheegay in caaqilka Beesha uu  Raalin galin ka bixiyay hadalkii ka soo yeedhay oo ahaa in beesha reer sahal iyo gaashaan buur ay ku biireen Xisbiga Kulmiye. kasoo uu ka sheegay caaqilku  wakhtigii maayirka  Berbera  sheegay inuu ku biiray  Xisbiga  Kulmiye, maadama madashii shirka ka cadaatay, in aan arintaasi waxba ka jirin isla markaana jirin meel beeshu go’aan ku gaadhay.

Waxaana wararku sheegeen in Raaligelintaas  uu aqbalay Jamaal  Cali  Xuseen, sidoo kale siyaasiga Xasan Gadhweyne oo fadhiyay kulankaasi ayaa isaguna hore raali gelin u siiyey Jamaal Cali  Xuseen,taasoo  uu ku baahiyay warbaahinta,kuna cadeeyay nuu  arab taaan yaay  Jamaal cal xuseen.

Madashii shirkaasi oo ay fadhiyeen in ka badan boqol qof oo ah hal doorka beeshaas, ayaa laysla   qaatay in muruq  iyo maalba  laysla  garab  taago  musharaxa  Xisbiga UCID Jamaal Cali  Xuseen,Waxa kaloo wararku  Xuseen in Jamaal Cali  Xuseen shirkaasi ka jeediyey  khudbad soo jiidatay quluubtii ka qayb galaasha shirkaasi.

Shirkan waxa  lagu  tilmaamay inuu yahay guul uu soo hoyatay  musharaxa Xisbiga UCID, islamarkaana ay meesha ka baxday hadaladii sheegayay, in qaybo  ka midda beeshiisa ay ku biirtay Xisbiga Kulmiye. Waxaana  talaabadani  muujisay  in Jamaal Cali  Xuseen,  hantiyay  taageeradii  beeshiisa oo isku duuban.

Musharaxa Jagadda madaxtinimo ee Xisbiga Ucid jamaal Cali Xuseen oo Burco ku sugan ayaa todobaadadii u danbeeyay Shirar hoosaadyo iyo Wada tashiyo la lahaa Cuqaasha ,Salaadiinta ,Aqoonyahanka iyo Dhalinyaradda Xarunta gobolka Togdheer ee Burco.

Salaanmedia/Hargaysa