Mustafe Shiine oo Cambaareeyay Siyaasiyiinta Carqaladeynaya jidka Ceerigaabo

Mustafe ShiineHargeysa (SM)- Gudoomiyihii hore ee ururka Solja iyo Maareeye Ku xigeenkii hore ee Madbacadda qaranka Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe Shiine) oo xubin ka ah gudida abaabulka qaadhaan ururinta waddada Ceerigaabo, ayaa cambaareeyay hadalada dacaayadaha ah ee carqalada ay ku galinayaan xisbiyada mucaaradku habsami u socodka jidka Ceerigaabo ee qaadhaan ururintiisu socoto, kuwaas oo ay ku sheegen in lacagta qaadhaan ururinta loo adeegsaday olole carqalad lagu galiyo golaha wakiilada. Waxaana xisbiyada mucaaradka u soo jeediyay in aanay siyaasadeyn dhismaha waddada Ceerigaabo.

Mustafe Shiine, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay hotel Xaraf ee magaalada Hargeysa, oo ugu horayn sharaxaya qaab dhismeedka gudida dhismaha waddada Ceerigaabo, cadaynayana in dhaqaalaha aanay cid gaara jeebka ugu dhicin waxa hadalkiisa ku bilaabay;“waxaan ka mid ahaa gudidii abaabulka shirkii lacagta qadhaanka lagu ururinayay, waxaan cadaynayaa in lacagta qadhaanka wadada Ceerigaabo aan loo isticmaalin ama lagu galin olole (Campaign) laguna gali Karin, waayo gudidii madaxwaynaha u magacaabay wadada Ceerigaabo waxay lahayd jaran jaro. Gudoomiye, Gudoomiye ku xigeen, xoghaye iyo haweenay khasnaji ah oo ka tirsan ururada rayidka kana soo jeeda gobolka Sanaag laakiin lacagtii lagu dhawaaqay waxay ahayd kaliya yabooh may ahayn lacag soo xerootay. ”

Mustafe waxa uu sidoo kale iftiimiyay saamaynta hadalada dacaayadaha wata ee xisbiyada mucaaridka uga imanaya gudida dhismaha wadada Ceerigaabo iyo ujeedooyinka ka danbeeya, waxa uu yidhi “xisbiyada mucaaradka UCID iyo WADDANI waxay halis ku yihiin oo ay adhaxda ka jabinayaan dadaalkii ay xukuumadani u gashay in ay dhisto wadada gobolka Sanaag iyo isku xidhaysay dalka intiisa kale oo la wada ogyahay dhibaatada waddo la’aantu ku haysay. Nin siyaasi ah oo xildoonaya inuu ku ololeeyo Dacaayadaha carqalada ku ah dhismaha wadada Ceerigaabo waa nasiib darro.”

Waxa uu intaas ku daray “waad ogaydeen wafdigii marka Ceerigaabo tageen in hablihii aan waxba haysan tii silis haysatay ee islahayd marka dhibaato timaado aad iibsatid ay bixinayeen, waynu ogayn sida dadku diyaarka ugu ahaayeen inay wax bixiyaan, London oo kale dadku way diideen in arrinta la siyaasadeyo oo iyagoo xisbi kasta ku jira ayay diyaar u ahayeen inay bixiyaan, manta hadii la yidhaahdo lacagtii la soo ururiyay ayaa C/raxmaan Cirro lagu ridayaa nimanka sidaasi leh waa niman halis ku ah qaranimada, jiritaanka iyo wada jirka Somaliland, waa niman ka soo horjeeda in dadka reer Ceerigaabo helaan meel ay soo maraan.”

Mustafe Shiine, waxa uu dadwaynaha reer Sanaag ugu baaqay inay ka hor yimaadaan oo codkooda mideeyaan sida ay arrintan uga midaysnayeen oo ay tusaam xisbiyada mucaaradka in kalsooni aanay ka helayn hadii aanay ka noqon hadaladan ay ku siyasadaynayaan dhismaha waddada Ceerigaabo. Sidoo kale waxa uu ugu baaqayaa inay ka hadlaan gudida dhismaha wadada Ceerigaabo, islamarkaana shacbiga ka wacyigaliyaan.

Salaanmedia/Hargeysa

.

 

 

TOP