Muuse Biixi iyo Samaale oo ahaa laba dhardhaar oo dheri aanay lahayn lagu karkarsanaayey!

MAQAAL                            

ninkii muuse biixi ee hankiisu ahaa inuu xisbiga kulmiye ka dhaxlo madaxweyne siilaanyo kadibna iska sharaxo ayaa ka quustay damacaas ah musharax madaxweyne ee xisbiga kulmiye kadib markii qiil qiil la geliyay inuu hayo hogaaminta xisbiga si loogu xasiliyo waxa uu talo ku goostay inuu ku mitido hogaanka xisbiga oo uu ka tanaasulo musharaxnimada! waxa la yidhi midho geed saaran kuwo guntigaaga ku jira looma daadsho! muuse ma talo xuma hadii uu gartay xisbigan rag ayuu u shidan yahaye waxa laguu ogol yahay ku ekoow!,

 waxa la yidhi nin geeliisii la qaaday badh ogol oo waax ogol oo rubuc ogol faladh ogol muuse biixi ayaa kadhigan!

waxa la yidhi nin geeliisii la qaaday badh ogol oo waax ogol oo rubuc ogol faladh ogol! muuse waxa uu ka dhigan yahay nin kaas geeliisa la qaaday ee raacdad ah ee hadii uu neef ka helo ay u dhaanto xera madow mujaahid muuse wuxuu tacab hayay hore ayuu u geliyay madaxweyne siilaanyo waxaanay balantoodu ahayd hadii aad maanta doorashadan ku soo baxdo igu wareeji talada xisbiga oo weliba igu taageer nasiib daro rag damac kama soo dhamaadee odayga way u sii macaanaatay kursiga qiimaha iyo karaamada badan laakiin marka aakhiro ilaahay SWT lala kulmo waa qoomamo badan yahay waayo waa masuuliyad aad u culus oo ilaahay SWT kugu eegayo sidaad u maamusho umadana ugu cadaalad samayso!,

waxa la yidhi ruqo nin kii lahaa dabada hayaa ma kacdo! mujaahid muuse nin kii uu shalay ku tabcay ee uu islahaa adna maanta ayaad garab iyo gaashaan ka helaysaa ee uu isku haleynayay ayaa cidla kaga dhaqaaqay sow siyaasada dhaqanka gaalo laga soo dheegtay isku halayn iyo axdi toona ma laha! waxa taas u sii dheer inta la gilgilay oo hadana la ruxay oo hareer kasta lagaga yimid ayaa lagu soo ururiyay waxaa lagaa dhigay hogaamiye ma dhace ah! bal intaanay wadnaha cadayn may aad yar iska yidhaah daan waar hays daalin cidina ku dooran mayso oo Somaliland cod madaxweyne ku siinmayso ee dhul dhacaaga hubso!,

waxa mujaahid muuse ka liita ninka lagu garaacay ee dhabarka lataabtay ee layidhi anaga ayaa ku dhisayna ee muuse la tartan ee godobta loo xanbaariyay ee markii lagu fushaday muraadkii laga lahaa lagu yidhi xisbiga hogaankiisa muuse ayaa iska leh musharaxnimadana duqa loogu tegimaayo ee waxa kuu banaan oo laguu hayaa xubin gudida fulinta ah! is mabuu hubsan wadaaka samaale ee siyaasada ku cusubi! hadii siilaanyo run cid u sheegayo oo uu balan fulinayo muuse biixi ayuu u sheegi lahaa miyaanu ka fikirin waamaxay sabata muuse biixi meesha looga saarayo ee adiga laguu wataa ileen inta muuse abaal u galay siilaanyo adigu umaad geline?

bal khiyaamada ku dhacaday u fiirso waxa loo sawiray in samaale iyo muuse tartan ka dhaxeeyo oo ay isku haysataan hagaanka xisbiga iyo musharaxnimadiisa labadaba oo cida la kala saarayaa ay labadaas nin yihiin! labaduba waxba faraha ugumay jirin wax ay isku hayeena may jirin ee waxay ahaayeen dhar dhaaradii lagu kar karsanayay dheriga inta uu rag kale uga bislaanayo! waxa la yidhi doqoni amaan aanay lahayn ayay u rixisaa! labadan nin is eede oo hada isma arki karaan mid meesha ka faa-iday oo wax helayna ma jiro muuse owelba gudoomiyaha xisbiga wuu ahaa oo wax u soo kordhayna ma jiraan oo waa jug jug halkaaga joog! samaale isna waxa uu faa-iday xubin gudida fulinta ah oo tacabkiisii oo dhami ma xubin buu ku soo ururay? sidaasuuba ku qanacsan yahay! maalinta samaale qan cay ee indhihiisu circa arkeen waa maalintii saleebaan nuur oo runta ka baydhin ku yidhi adeer dhawaan ayaad xisbiga daaqada kasoo gashee heshiis baajiray beelo u dhaxeeyay oo ahaa in muuse biixi aan lagula tartamin hogaanka xisbiga! ee caga dhigo horta maalinta uu edebta qaatay ee uu quustay maalintaas ayay ahayd dibna hadal loogama maqal ,

Aadan Axmed Nuur