M/weyne Ku xigeenka Oo Tacsiyadeeyay Qoyskii Marxuum Daa’uud Warsame

February 9th, 2014 

Madaxweyne Ku xigeenka  SayliciMadaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici waxa uu tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday ALLE ha u naxariistee Marxuum Xaaji Daa’uud Warsame Nageeye oo ku geeriyooday magaalada Boorame.

Madaxweyne Ku xigeenku waxa uu ILAAHAY uga baryay marxuumka inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisii, qaraabadii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Marxuumkaas oo ka soo qayb qaatay nabadayntii iyo dhismaha dawladnimada Somaliland.

INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN.